WHO Oo Lagu Eedeeyay In Ay Jawaab Dhakhso Ah Ka Bixin Weyday Xanuunka Ebola

images (14)(SLT-Galbeedka Africa)-Hay’adda caafimaadka adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO, ayaa sheegeysa in ay baadhitaan ku sameyneyso qaabka ay u wajahday xasarada ka dhalatay cudurka Ebola, balse aanay taa dhici doonin ilaa iyo inta laga xakameynayo faafida cudurka dilaaga ah.

Warkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordheyso dhaleeceynta loo jeedinayo WHO ee ku aaddan tallaabooyinka gaabiska ah ee ay ka qaaday faafida cudurka Ebola.

Agaasimaha guud ee WHO ayaa wareysi ay siisay wakaalada wararka ee Bloomberg, waxa ay ku sheegtay in aanay ku faraxsaneyn in saddex bilood kaddib markii uu dilaacay cudurka ay koobneyd waxa ay ka qabteen.

Waxaan hadda ognahay in cudurka Ebola uu ka bilowday dalka Guinea bishii December ee lasoo dhaafay, balse hay’adda WHO ay xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay bishii March.

Hay’adda ayaan kulan xasaasi ah ka yeelan faafida cudurka ilaa iyo bishii June.

Dadka dhaliilaya WHO ayaa sheegaya in ay tahay hay’ad maamulkeedu iska dabalaab badan yahay, uuna aad u yar yahay xidhiidhka ay sameeyaan xafiisyadeeda Afrika iyo xaruunteeda dhexe ee ku taalla Geneva.

WHO ayaa hadda sheegeysa in tirada dadka u dhintay cudurka Ebola ay kor u dhaaftay 4,500 oo qof.

Isabelle Nuttall, oo ah madaxa WHO u qaabilsan diyaargarowga caalamiga ah ayaa rumeysan in qaabka ay hay’addu uga jawaabtay Ebola baadhitaan lagu sameyn doono.

WHO ayaa si la mid ah hay’adaha kale ee Qaramada Midoobay waxa haysata dhaqaalo yari. Waxaana macquul ah in hay’addu ay ka baqday in lagu eedeeyo ka badbadin haddii ay la boodi lahayd Ebola, si la mid ah sidii ay qaylo dhaanta uga sameysay hargabka doofaarka ee dilaacay 2009-kii, kaas oo dilay dad aad u tira yar.

Balse Ebola ayaa ah cudur ka halis badan dureyga doofaarka, waxaana ay tahay in laga jawaabo in WHO ay si wanaagsan u maareysay wax ka qabashada cudurkan dilaaga ah.

Somalilandtoday/Hargaysa Office

Contact@Somalilandtoday.com