Hay’adda WHO Oo Galbeedka Qaradda Afrika Geynaysa Dawo Laga Sameeyay Dhiigga Dadkii Cudurka EBOLA U Dhintey

(SLT-Hargeysa) – Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegaysa in lagu daaweyn karo bukaannada uu ku dhacay cudurka Ebola, qeyb ka mid ah dhiiga bukaanadii ka badbaaday cudurka.

Hay’addu, waxay sheegtay in toddobaadyadda soo socda la gaadhsiin doono waddamada Galbeedka Afrika, daawooyin laga soo saaray dhiiga dadka ka badbaaday cudurka.

Sarkaal sare oo ka tirsan WHO oo la yidhaahdo Marie Paule Kieny ayaa sheegtay in sheybaadho laga sameyn doono dalka Liberia. Liberia waa waddanka dadka ugu badan uu ku laayey cudurkaasi.

Sheybaadhadaas ayaa waxa loo adeegsan doonaa in lagu soo saaro difaacaha jidhka ee ka dhashay dhiigga qofka ka badbaaday cudurka Ebola.

Difaacasaasi jidhka ayaa waxa kaddib loo rogayaa daawo lagu daaweeyo dadka uu cudurka ku dhacay.

WHO ayaa sidoo kale sheegaysa in si dhaqsa ay u doonayso in ay ku hormariso laba talaal oo la rumaysan yahay in ay gacan ka geysan karaan in laga hortago cudurka.

Haddii loo arko in talaalku yahay mid ammaan ah oo wax tar leh, waxa markaasi la qorsheynayaa in si tijaaba ah loogu isticmaalo Galbeedka Afrika bisha January ee sanadka soo socda.

Ebola

Balse weli ma cadda mudada ay qaadan doonto in la soo saaro talaal dabooli kara baahida jirta. In kabadan 4,500 oo qof ayaa ilaa imika galbeedka Afrika ugu dhintay cudurka Ebola.