Wejiga Labaad Ee Abaarta…W/Q Cabdiraxmaan Caydiid

Mahad dhamaanteed Eebe ayay u sugnaatay, Naxariis Iyo Nabadgelyana Suubanaheena Muxammad. Ilaahay isgaa raxmaadka hayee Abaarta haynaga soo jebiyo, baryadana haynaga aqbalo. Intaas ka dib waxaan salaamaya Saxaafdaa oo iyadu habeen iyo maalin heegan u ah inay u gudbiyaan dadweynaha fariimaha iyo waraka ay u baahanyihiin inay helaan.

Sida ay in badan Culimadeenu inoogu celceliyeen, dhibaatada abaartu waa imtixaan Alle iyo ganax ka dhalanaya waxa aynu gacmaheenna ku kasbanayno. Xalkuna waa laba. Midda hore waa in aynu Ilaahay SWT usoo noqono, oo wixii inaga khaldan saxano, wixii Ilaahay ina faray ee la inagu addonsaday la nimaadmo wixii laynaga reebayna iskaga tagno. Xalka labaad waxa weeye inaynu adeegsano caqliga, garashada, iyo awoodaha uu Ilaaha
ina siiyay si aynu ugu maarayno kownkan aynu joono iyo nicmooyinka dul yaala ama ku hoos jira.

Xalka koobaad, sidaan kor xusay, waa Alle SWT oo loo noqdo, culimadda ayaana habeen iyo maalin walba aan ka daalin oo inala dultaagan, aniguna imika taa uma amababixin inaan ka hadlo, waxaanse isku deyayaa inaan wax yar ka idhaahdo qodobka (xalka) labaad ee ah in Awoodihii Ilaahay ina siiyay aynu u adeegsano si aynu ugu maarayno dhibaatooyinka ama duruufaha qalafsan ee had iyo goor soo noqnoqda, ee Abartu kow ka tahay.

Intaanan arintaa guda gelin, waxaan halkan ku xusi lahaa, sida wanaagsan ee Umaddu isu xilqaantay inay uga qayb qaadato gurmadka loogu jiro taakulaynta dadka Abaaruhu saameeyen. Aniga xusuustayda waa markii u horaysay, ee iyadoo gacmaha layswada haysto (dawlad, Ganacsato, dadweyne iyo Culimaba) si abaabulan oo majiran loogu hawlgalo.  Si gaara waxaan u xusi lahaa sida aqoontu ka muuqato ee Guddiga Abaaraha Qaranku doorkan u hawl galeen, guud ahaana waxaynu odhan karnaa si wanaagsan ayay ilaa imika hawshu u socotaa.

Aan usoo noqdo dulucda maqalkaygan oo ah sidaynu Xal waara uga gaadhi lahayn Abaaraha soo noqnoqonaya. Abaaruhu waxay ka mid yihiin masiibooyinka dabiiciga ah ee banii’aadamka lasoo dersa, sida dhul Gariirada, Daadadka iwm. Abaartu waxay ka mid tahay musiibooyinka iyagoo aamusan banii’aadamka ka takhalusa ama xasuuqa.

Wadamada Musiibooyinka ka tabaystay waxay sameeyaan Qorshayaal Qaran oo qoran oo dadkuna wada ogyahay, hogaankooduna ku hago si cilmiyaysan.  Taasi waxa weeye, laba dhinac (Qorshe-Laba-Madaxley ah):

1.       Ta koobaad waa, Qorshaha muddada Dheer: Waa Qorshe aragti fog leh oo ku jihaysan sidii dadka noloshooda iyo kaabayaasha noloshooda kor loogu qaadi lahaa. Inaga markaynu xaaladeena ku eegaynana waxa weeye in dalku leeyahay Qorshaha Muddada Dheer oo loogu babac dhigayo Xaaladaha is bedelaya (sida: Isbedellada Cimilada, Habkii Dhaqashada Xoolaha oo isbedelya, Degsiimooyinka oo ku badanaya Dhulkii Xoolaha lagu dhaqan Jiray, iwm). Arintaa gunteeduna waxa weeye in Qaranku leeyahay Qorshe uu ku maaraynayo sida loo maamulayo nimcada Alle ina siiyay ee Biyaha, Daaqa, iyo dhulka, iyo dabcan Dadkii nimcooyinkaas isticmaalayay oo iyana fikirkooda iyo farsamooyinkooda aqooneedba la kobciyo, oo iyaguna isbedellada dhacaya la jaanqaada. Dhulka oo si wanaagsan loo maareeyo ma sahlana oo waxa ku xeeran duruufo badan oo ay ugu horaysao, Lahaanshihiisa iyo sida loo wadaagayo oo ah arinta ugu adag, waayo sheegasho Ashkhaas iyo Beelaba waa arimo la derisa dhulka. Arimahan sida wax looga qabanayo, waa Cilmi Dheer, halkan imika kaga hadli mayno, waxaynu u jeednay uun in aynu Xusno in Qarankeenu arimahan Qorshe Mudda dheer ah ka leehaado, oon Xaashiyo iskaga qornayn, laakinn  runta iyo waaqica ku qotonta, Hoggaan adag oo ay ka go’antahay oo lagu kalsoonyahayna majaraha u hayo.

2.       Ta Labaadna waa, Qorshaha Ka Hortga Masiibooyinka. Awalan waa inuu jiro Qorshaha Maaraynta Masiibooyinka Qaranka, oo loogu talo galay in lagu maareeyo Musiibooyinka Dabiiciga ah oo midda Aamusan ee Abaartuna ka mid tahay. Intaan Ogahay, Qorshahaasi waa jiraa (isagoo waraaqo ku qoran, laakiin aan wadan imkaaniyaadkii lagu fulin lahaa, marka laga reebo in Xafiis qaabilsani jiro – NERAD).  Qorshaha Maaraynta Musibooyin Qaran waxa uu usii kala qaybsamaa Saddex qaybood, oo ah: (i) Qorshaha Digniinta Hore, oo ah nidaam xog-urunineed, faaqidaad joogta ah iyo xo-wadaag, taas oo fududaysa go’aan qaadashada iyo ka hortaga masiibooyinka, nidaamkaas oo ku xidhan (ii) Qorshaha Ka Jawaabista Musiibada, oo ay hormuud u tahay hayad (Qaab-Dhismeed) leh awood maamul iyo maarayn, taas oo adeegsanaysa (iii) Qorshe Ku-Tala-Gal ah oo hore loo sii diyaariyay, iyadoo laga duulayo ama lagu saleynayo Khibradihii hore iyo Nidaamka Xog-Ururinta Musiibooyinka. Markaynu Duruufaheena Qaran eegno, oo Abaartu ku badantahay, Qorshaha Ku-Tala-Galkeenu waa inuu ka jawaabayaa baahiyaha  muhimka ah (Kayd-Dhigaal ah), sida: Calafka Xoolha, Biyaha, Lacagta/Kaash, iyo kooxo tababaran (Xoogga Dadka ah) oo shaqadooda caadiga ah wata, haddana la abaabuli karo markii loo baahdo, yacnii siidhiga uun loogu dhufan karo. Kooxahani waxay leeyihiin khibrado kala duwan oo ku saabsan Maaraynta Masiibooyinka, hadday tahay Isku-Ubarid, Xog-Ururin, Dabagal/Kormeer, Xisaab-celin Iyo Khibraha Takhasusaadka kala duwna ee Caafimaadka, Nafaqaynta, Biyaha iwm.

SAAMAYNTA ABAARTA

Abaartan inagu habsatay, waraka kasoo baxayaa runtii waa kuwo qaylo dhaan xambaarsan. Marka la yidhi 80% ka badan ayaa xoolihii noolaa dadkii ka baxay, marka la yidhi 1.5 (malyuun iyo badh) dad ku dhow baa abaartu saamaysay oo u baahan taageero, marka layidhi dad ka badan 300,000 (saddex boqol oo kun) ayaa daawaha saran oo inay gaajo iyo nafaqa-darro u lee’daan khatar ugu jira, marka layidhi dad dhintay baaba meelaha qaar lasoo werinayaa …iyo warar kaloo badan oo dareen dhiilo ah xambaarsan. Intaa waxaa dheer, in Deyrtii gebi ahaanba baaqatay, marka laga reebo deegaano kooban oo dhinaca galbeedka ah. Ku darsoo, intii Deyr da’dayna waa lagu soo guuray, oo siday u muuqato dhamaadka bisha November, wixii soo baxay waa lagu leefayaa.

WEJIGA LABAAD EE ABAARTA (SAWIRKA MUUQANAYA)

Ilaahay haynaga feydo Abaartan Wejigeeda Labaad (…aamiin), waayo mid qurux badan maaha. Markaynu eegno, in waxa imika daaq la hayaa aanyay ka badnayn bishan dhammanaysa, marka la yidhaa Deyrtii waa jeesatay oo xilligii Jillaalkii ayaa bilaabmaya (December, January, February..ilaa March). Raxmadda Ilaahay ka quusan mayno, Inshallah roobkuna waa inoo da’ayaa oo dhakhso ah, laakiin  AFAR bilood oo waqti adag ah weeye., Maxaa markaa la filan karaa?…

Dadka maanta Sidan u jilicsan oo Afar bilood oo kale kusii jira duruufahan waxaa suura gal ah inay Xaaladuu ka tagto Abaar iyo Gaajo oo ay u gudubto Macaluul (Famine)… Ilaahay kama dhigo e…Dib eeg 2011 iyo wixii ka dhacy koonfurta Somalia..sidii loo lahaa Abaar daran baa jirta ee biyo iyo gargaar loo waday..ayuunbaa ma rqudha lagu warhelay tirooyin argagax leh..in kabadan malyuun qof oo  barakacay..wax-soosaarkii beeraha oo meeshaba ka baxay iyo tiro gaadhaysa 260,00 (laba boqol iyo lixdan kun oo qofna) oo macaluul iyo gaajo u geeriyooday… runtii waa arrin u-fiirsasho leh, waxna laga baran karo…

MAXAA INALA GUDBOON OO AY TAHAY INAYNU KU DHAQAAQNO?

QORSHAHA WAQTIGA TAAGAN (DED-DEG)

1.       In la kordhiyo dhaqaale (kaalmo) ururrinta, oo meel kasta iyo heer walba la gaadhsiiyo

2.       In la kordhiyo qodista ceelal biyood, oo aan ahayn iska qod laakiin qorshe ku fadhida

3.       In la raadiyo calafka xoolaha, oo isna qorshe loo dejiyo

4.       In dadka la diiwaan geliyo, si loo fududeeyo kaalmada

5.       In la kordhiyo dadka ka qaybgelaya gurmadka lana adeegsado ciidamada iyo aradayda

6.       In gargaarka laga dhigo Rashin iyo lacag isku dhafan. Waayo kash-ka ayaa ka hawl yar raashinka la raraayo., kana kharash yar. Khibradihii hore halaga faa’iideeyo. Xawaaladaheena (sida Dahabshiil, KAAH iyo kuwo kaleba) khibradda Lacag-gudbinta way yaqaanaan, horena way u fuliyeen.

7.       In la sameeyo barnaamijyo dadka xooluhu ka baxeen xoogooda laga faa’iiyeeyo oo ay dhulka ka shaqeeyaan, si ay iyaguna dakhli uga helaan, marka roobku da’ana waxtar ugu yeelato dhulka, oo nabaad guurka loogu yareeyo, daaq fiicana uga soo baxo Inshallah.

8.       In laga fekero, in qoysaska baahan , ee aan lahyan xoog ay shaqooyinka kaga qayb galaan  la siiyo lacag toos ah.

9.       In Xoolaha dadka laga iibsado, oo la gawraco, hilibkana dib loogu qaybiyo dadka baahan. Dhinaca kale Tirada Xoolaha oo imika la yareeyo waxay inoo suura gelinaysaa in wixii hadha aynu calaf u iibin karno. Hayadaha laftooda ha lagu jiheeyo inay mashaariicda noocyadan ah ka qayb qaatann. Waayo dhinaca kale waa dadka laga ilaaliyaa, inay gacmo hoorsiga hadhow kusii negaadaan.

10.   Talaalka Xoolaha iyo daawayntoodu iyana imika waa muhim, si wuxuun xoolo u hadhaan

11.   Warbaahinta oo si qorshaysan, ujeedaysan, iskuna dubaridan loo adeegsado.

QORSHAHA WAKHTIGA FOG

1.       Calafka xoolaha oo la beero, hab ganacsina loo habeeyo, oo lagu dhiiri geliyo in dadku maal gashadaan, lana tuso inuu suuq leeyhahy. Waa in lagu kabo bilowga farsamo iyo aqoonta loo baahanayhay in la helo calaf nafaqo leh. Wassaaradaha ay khusaysaana ka hawl galaan.

2.       Goobaha biyaha oo la hore mariyo, khaasatan – kuwo lagu baxsado xiliga abaaraha

3.       Seerayaashii xoolaha oo lasoo celiyo, iyadoo la maaraynayo lahaanshaha iyo isriix-riixa beelaysan ee waayahan dambe dhulka lagu kala sheegto.

4.       In la xoojiyo, isbedelna lagu sameeyo, hayadda/ama hayadaha ku shaqada leh Taakulaynata iyo La-Tacaalidda Masiibooyinka. Iyadoo laga shidaal qaadanyo, waxa imika socda. Hore inoomay soo soo marin Abaar sanadkii laba jeer timaada…

5.       Waa in la furaa Akoonada Taakulada oo joogta ah, dadka lagu abaabulo inay Sakawaadka ku ridaan. Maamulkooda oo la hagaajiyo, noqdana wax markasta dadka loo bandhigo (dakhli iyo kharashba).

6.       Xoolaha waa in loo rogo, kuwa ganacsi ku jihaysan, oo laga baxo iska dhaqo kumanaan iyo boqolaal….oo lix bilood kadibna kusoo gebagebowda Abaar baa gam ka siisay iyo 50 baa ka nool….

7.       Wada shaqayn iyo iskaashi lala yeesho wadamada jaarka, maadaama abaartu si isku mid ah inoo wada saamayso, isla markaana xoolaheenu yihiin kuwo guur-guura oo kolba xuduudaha isaga tallaaba.

Wallaahu Aclam

Cabdiraxmaan Caydiid

abdiaideed11@gmail.com