Weeraro Lagu Hoobtay Oo Ka Dhacay Dalka Ciraaq

(SLT-Iraq)-Wararka ka imaanaya Ciraaq waxay sheegayaan in tirada dadkii lagu dilay saddex qarax oo ismiidaamin ahaa magaalada Kurdiyiinta ee Qara Tappah ay gaadhay ugu yaraan konton qof.

141012225920_iraq_1_640x360_._nocredit

In badan oo dadkii ku dhintay ah waxay ka tirsanaayeen ciidamada ammaanka ee Kurdiyiinta iyo rayid isu diiwaan galinaayay inay la dagaalamaan dagaalyahanada Daacish.

Daacish waxay sheegtay inay weeraradaasi fuliyeen saddex qof oo ajnabi ah oo isku xiray qaraxyo

Wararka ayaa tilmaamaya in mid ka mid ah saddexda qof uu isku qarxiyay irida laga galo xerada maamulka Kurdiyiinta si uu wadada ugu banneeyo labada kale oo watay gawaari ay isku miidaaminayeen.

Mar sii horaysayna, madaxii booliska gobolka Ciraaq ka tirsan ee Anbaar ee qasan ayaa lagu dilay bam la galiyay wadada dhinaceeda.

Somalilandtoday/Hargaysa/Officd