Wayna Ugaadhsadeen!!!! Qalinkii: Ilyaas Cabdi Cali

Goor sheegtu waxay mareysaa 9:45PM habeenimo waxaan u socdaa xaafada aan ka deganahay magaalada Hargeysa istaanka laga raaco basaska ayaan ku socda si aan u raaco baska, Suuqa waddada labaad ee magaalada dhex marta ayaan maraya ee socodkeedu galbeed yahay.

Halka ku toosan basaska idaacadda ee Huteellada Somaliland iyo Maandeeq waxaan kusoo baxay buuq iyo sawaxan badan oo dadka intooda badani taaganyahay aadna loo yaabanyahay oo wax la wada daawanayo. waydiimo badan ayaa dadkii meesha ka fogaa aan la wadaagay!! maxaa meesha ka dhacay ee lagu soo ururay?maxaa Soo kordhay? yaa isku leynaya meesha?ma gaadhi ayaa dad jiidhay? Qofna ima siin jawaab wanaagsan oo aan ku qanco, waxaan soo gaadhay goobta buuqu ka jiro ee indha intooda badani eegayso, qof sii jeedsan maayo, nin waliba hoos ayuu u leeyahay maxaa sidan u dhacaysaa? cid kor u hadlaysa waan maqli waayay oo aan xanshaashaq ahayn.

Mar kaliya waxaan arkay nin xidhan macamuus iyo shaadh iyo kabo sondol ah, suunka uu mucawiiska ku xidhanyahayna baastoolad nooca ugu yari ugu jirto oo daba ordaya qof diifeysan oo gaajo la daala dhacaya oo xidhan Shaadh Cad oo madow isku badalay uskag dartii iyo surwaal madow lugahana aan waxba ku xidhneyn gacanta midigna caagad yar oo akhtar ah ku sita gacanta kalena ciid niis ah oo ninkan eryanaya uu iskaga waabinayo kolba markuu qabo is yidhaahdo ku sita.

Waa ordayaa intaasina cid makala qabanayso, cid la hadli mayso ninka wax erynaya, basaska ayuu dhex galay markii oo dhaawac kasoo gaadhay isagoo la eryanayo bas uu ku jiidhay, kiina intaasi wuu eryanayaa, basaskii dhex dooda ayuu kusoo qabtay wiilkii yaraa oo xanuunsanaya dhaawaca kasoo gaadhey gaadhiga uu ku dhacay, waxaa ninkani qofkan hayaa tunka, shaadhkii ayuu ku bakhtiiyay oo cunaha kusoo duuduubay ma hadli karayo oo hoos ayay uga soo baxaysaa maxaan kugu sameeyay?

Cay ayuu kani intaasi wadaa, ma anigaad igu dhubtay ciida?, maxaad ii maleynaysaa? haddaan nafta kaa jari waayo? dhirbaaxana waakala dhacayaa wajiga!!!! xaga saldhiga dhexe markii usii socdo oo jidhdil badan ku sameeyay ayay dadkii ku yidhaahdeen waxna saldhiga ha geyn ee adiguba dishaye sii daa!!! waa iska sii daayay aayar ayuu intuu baadhkii iska tumay dhaqaaqay!!! miskiinkii darbijiifka ahaa waxaa la waynaatay ninka dilay ee aan wax alaale iyo waxuu ku sameeyay jirin, dadkii waxay ii sheegeen in ninkan darbijiifka ee koolada sita ay dhalinyaro kale eryanaysa oo ay ku ciyaarayeen kadibna ciid uu iskaga reebayay ay ku dhacday ninkan oo buuqooda maqaaxi kaga soo kacay uu shaah ku cabayay, aayar ayuu maqaaxidii iskaga noqday, nimankii la fadhiyay oo afar ahaa oo kuraas cadcad kusoo fadhiyay ayuu aayar ku noqday oo ku yidhi “aniga muxuu ii haystaa walaahi inaan god madow ku ridi intaan garaaco” hadda waxba kalamuu tagin ee la soco dar ilaahay ayuu iskaga tagay.

Miskiinkii Darbijiifka ahaa dib ayuu usoo noqday isagoo leh waxba kumaan sameyn ee askariga ma aniga soo dil ayaa lagu yidhi, runtii dhib iyo jidhdil arxandaran ayuu kala kulmay wiilkaasi labisnaa ee askariga ahaa.

“Walaal waad arkaysaa sida ninkaasi ii galayo waxba kumaan sameyn ciida ayuu leeyahay maxay isoo gaadhay, waan raali galiyay, waxaas oo garaacitaan ayuu igu sameeyay aniga askari ayaa iigu daran oo meel walba igu dilay, habeen iyo maalin iyagaan iska eegayaa meel nin askari taaganyahay biyo kama cabi kari, waa dadka kaliya ee na ugaadhsada”ayuu igu yidhi wiilkii yaraa.

Markii dambe oo aan u tagay ninkii wax dilayay wuxuu ii sheegay in ciid uu ku shubay wiilkani sidaasina uu ku dilay oo uu Xabagle yahay marka dambe ee uu arkana dilayo, inuu askari yahay ayuu ii sheegay, miskiinkii darbijiifka ahaana inaanu cid laheyn oo suuqa ku noolyahay ayuu ii sheegay.

Askariga iyo Darbijiifka waxaan is waydiiyay miyaanu ahayn wiilkani kii lagu yidhi barbaari oo waxbar sharcigana ku maamul, kii lagu yidhi naftiisa ayaad gaadh ka tahay miyaanu ahayn? haddii uu wax u qaban waayay miyuu dhibtiisa ka daayo ayaan is waydiiyay markii aan goobta ka tagay balse waxaa xaga dambe ka xasuustay in dhibta wiilkani oo kaliya aanay ku dhicin ee maalinta kasta ay ciidamada Booliiska qaar ka mida kaga Timaado inay waxyeeleeyaan caruurta darbijiifka ah cidna aanay u qabsan.

Ciidanka Booliiska waxaan si nasteexo leh u leeyahay haddii aanay jidhdilka dhalinyaradaasi sharci iyo bini’aadanimo idinka kaxayn wayda,  Ilaahay ayaa idin la xisaabtani doono, Barbaariya oo ha dilin.

Ilyaas Cabdi Cali.