Waxyaabaha uu ALLAH ku gaar yeelay Umadan Nebi Muxamed CSW

ALLAH subxanah waxa uu umad kasta ku gaar yeelay arrimo iyaga u gaara sida, dadkii ree Caad oo ah kuwo aad u xoog iyo farsamaba badnaa, sidaa awgeed ALLAH umadan waxa uu ku gaar yeelay waxyaabo aad u farabadan, oo aan enshaALLAH maqaalkan si fiicanaan ugu lafa guri doono wixii aan ka garto am aka gaadho, wixii aan saxo waxaa ku amaanan ALLAH wixii aan khaldana waxay ka yimaadeen xagayga iyo shaydaanka xagiisa.

umada nebi muxumad

Intaa hadaan ku dhaafo Afeefta waxaa maraga ugu weyn yahay ALLAH oo Quraankiisa ku cadeeyey inaynu nahay umad tii ugu wanaagsanayd.

كُنتُمْخَيْرَأُمَّةٍأُخْرِجَتْلِلنَّاسِتَأْمُرُونَبِٱلْمَعْرُوفِوَتَنْهَوْنَعَنِٱلْمُنْكَرِوَتُؤْمِنُونَبِٱللَّهِ [آلعمران:110

Waxaad tihiin umad tii ugu khayrka badnayd ee dadka loo soo saaro waxaad faraysaan wanaaga waxaanad reebaysaan xumaanta ALLAH-na waad rumaynaysaan. (Al-cimraan aayada 110)

Rasuulku Csw wuxu yidhi “waxa nebiyada kale la igaga fadilay lix aan aniga hortay cid la siinin waxaana.” Lixdaa waxa kamid ahayd in umadayda la iiga yeelay kuwa ugu khayrka badan umadaha. (Bazaar)

Hadaba umadan waa umada uu ALLAH iyo rasuulkiisu uga marakacayaan wanaagooda waxaana kamid ah waxyaabaha uu ALLAH subxanah uga gaar yeelay:

1. in la inoo baneeyay qaniimada.

Qaniimadu waa waxyaabaha laga dhacsado cadawga gaalada ah ee dagaal lala galo, hadaba umadihii hore waxay ahaayeen laba qolo;

Qolo aan loo ogolaan inay jihaad galaan islamarkaana aan helin qaniimo iyo

Qolo loo ogolaaday in jihaadtamaan balse qaniimada aan qaadan jirin oo keliya ururin jiray waxana calaamad u ahayd markay meel ku ururiyaan in samada dab holcayaa uga yimaad islamarkaana halkeeda ku gubato, hadaan laga aqbalina aan dabkaa holcayaa soo degin.

Hadaba maxaa cadynaya in inaga la inoo baneeyey,

فَكُلُواْمِمَّاغَنِمْتُمْحَلَـٰلاًطَيّباً [الأنفال:69]

ALLAH subxanah wuxu ku yidhi Quraankiisa kariima ah

“cuna wixii aad ka qaniimaysateen gaalada isagoo xalaala oo wanaagsan” (surah Anfal 69)

Rasuulku Csw waxu yidhi waxa la isiiyey shan shay oo aan ani hortay cid la siin …. Waxaana ku jirtay waxaa xalaal la iiga dhigay qaniimada (saxiix bukhari iyo Muslim).

2. Dhulka oo dhan oo looga yeelay Masaajid:

Rasuulku Csw markii uu tagay dagaalkii Tabuuk  wuxu istaagay isagoo tukanaya islamarkaana ay ilaalinayaan asaxaabtu markii uu dhamaystay  wuxu yidhi waxa la isiiyey caawa shan shay aan ani hortay cid la siin………… waxaana ku jirtay meel kastoo ay salaadi igu soo gasho waan isu masixi( gabo gabaysan) islamarkaana waan ku tukan  dadkii hore waxay ahaayeen kuwa keliya ku tukada kaniisadahooda iyo meelaha cibaadada loogu talo galay.

3. waxaa tusaalayaal inoogu filan sida ALLAH uu kiristanka (Christian-ka) iyo Yuhuuda (jews) uu u waydaariyey maalinta fadliga badan ee Jumcaha maalintaas oo ay ah maalintii;

  • Aadam CS la abuuray

  • Maalintii Janada laga soo saaray

  • Maalinta saacad ay samadu furan tahay oo aan maalmaha kale lahayn

  • Maalinta Qiyaamuhu dhici doono ama istaagi doono hadba sidaad u taqaan.

  • Waa maalinta salaanta aad Rasuulka CSW salaamto uu toos kaaga qaado.

Iwm.

4. waxa la inoo siiyey Diinta ugu fudud uguna wanaagsan sababtoo ah umadihii hore

  waxyaabo badan ayaa xaaraan ka ahaa.

Tusaale ahaan Yuhuuda

  •  May lahayn magta lakala qaato marka qof ladilo

  • Dumarkooda umay dhawaan jirin wakhtiga ay dhiiga caadada ay leeyihiin

  • Marka uu qof danbi sameeyo Albaabkiisa guriga aya loo sudhi jiray wuxuu sameeyay oo loogu qori jiray

  • Soomkooduna wuxu ahaa soon lagu daray aamusnaan qofku markuu soomo wuu aamusi jiray si aan soomku uga jabin.

Signature:

…………………………………………………………………………………………………………………….
Abdirahman Mohamed Yusuf Mihile

Mobile: 002522-63-4807060 or 002522-63-4461491

Email: 4807060@gmail.com mixile2014@hotmail.com, or mixile2014@outlook.com

Skype: Mixile32