Waxtar iyo Waxqabad W/Q: Axmed Iid Aadan

Nin goor aroor ah meel xeeb ah marayey ayaa waxa uu arkay nooc kalluunka ka mid ah oo boqollaal gaadhaya oo inta ay mawjadihii baddu aad u kaceen ay xeebta ku soo tuureen. Kalluunku waa uu noolaa, hase yeesho ee haddii uu daqiiqado yar halkaa sii oolli lahaa, fallaadhaha qorraxduna ay ku dhici lahaayeen naftu waa ay dayn lahayd.

s

 

Ninkii markii uu arkay xaaladda uu kalluunku ku sugan yahay ayaa uu xaggii kalluunka u dhaqaaqay, dabadeed kolba mid ayaa uu qaadaa oo uu badda ku tuuraa si uu u noolaado.

Meel isaga ka yara danbaysa nin joogay oo sheedda ka soo eegayey oo ninkan kolba xabbad kalluun ah badda ku tuuraya la yaabbanaa ayaa u yimid

oo weydiiyey, “Waar boqollaal kalluun ah oo aanad wada bedbaadin karayn ayaa meesha yaalla, ee maxay xabbad yar oo aad badda ku tuurtaa taraysaa? Ninkii ma uu hadal ee inta uu dhawr tallaabo qaaday ayaa uu mid kale oo kalluunkii ka mid ah qaaday, markaas buu badda ku tuuray. Markaas ka dib buu jawaabay waxana uu yidhi, “Kan u danbeeyey, tusaale ahaan, waxtar weyn ayey u tahay oo waa kaa bedbaaday ee nool”.

Murtida sheekadan yar ku jirtaa waxa weeyi in wax kasta oo yar oo la qabtaa uu muhiim yahay. Waxyaalo yar yar oo kala duduwan oo xilliyo kala danbeeya la qabto ayaa waxqabad weyn noqon kara.

Waxa fiican in ay dadkeennu ogaadaan ama fahmaan in aan hal mar la samayn karin waxqabad weyn oo buur la’eg, ee uu waxqabadka weyni yahay natiijo ka dhalata waxqabadyo yar yar oo la isku dardaray. Maahmaah qalaad ayaa ahayd, “Rooma maalin laguma dhisin”.

Axmed Iid Aadan