Waxii cusub caalamka jecel ee hala doorto xisbiga Waddani..W/Q Khadar Adam Muse

Waxii cusb waxaa jecel cid kasta ,maanta hadii uu model cusub oo gawaadhiyii ,amaba dhar, amaba noocyo kale soo baxaan   isla markiiba waxaa ku data  dadka si aad ahana way u iibsadaan, wax wal oo aduunka  ku cusubina waa sidaas .oo maanta waxaa laga yaabaa xisbiga cusub in la inoogu soo istaago , waayo , waxa uu wataa fikrado cusub ,caalamkuna  ta uu eegayaa waataa, laakiin waxaa laga yaabaa xisbi xaakimka marka uu soo noqdo, in ay jeestaan ayaa dhici  karta , waayo, hore ayey u soo akhriyeen afkaartiis. Markaa ma jeclaysanayaan ,waayo , waxay  u arkayaan uun in uu wali axmed maxmed siiraayo joogo, oo aanu isbedel dhicin.

Marka isbedel dhacayana waxaa loo jeedaa uun ,in laga guuro afkaartii hore ee xisbi gaas oo loo guuro mid cusub, oo dardarteeda wadata,

Markaa ,siyaasad, iyo maamulkuna waa sidaas oo marka xisbi ku raago  hogaaminta dalka waxaa  dadwaynahu karaahiyeystaan  xisbigaas iyo  hogaamintiisa , waxayna  jantaan in ay helaan waji cusub ,fikir cusub iyo hogaan cusb, waayo way ka soo daaleen oo way soo arkeen  wax qabadkiisii iyo maamulkiisa. Waayo, dowladii riyaale waxay haysay 8sano , dowladan siiraanyana waxay haysay 7sano ,waa isku mid

Matal , markii obama bedelay georg bush ,dalka maraykanka waxaa ka jiray hoos udhac dhaqaale oo aad u ba an oo sababy in shirkado waawayni  kacaan , bangiyo badana ay hawada ka baxeen,  shaqaale badana   shaqadii  laga fadhiisiyo,

Isla  markii uu  uu Obama   la wareegey guriga cad wax uu markiiba ku dhaqaaqay sidii uu dib ugu soo celin lahaa ee uu usoo noolayan lahaa dhaqaalaha   dhulka galay, waxaanu  qaaday talaabooyin lagu diirsaday oo wax uu ka rumeeyey dhamaan  balamahii uu qaaday,taasina waa ta sababtay in marlabaad dib loo doorto,

Hadaba waxaa iswaydiin leh maxaa qofkii uu rabay  obma ee uu doonayey in la doorto loo dooranwaayey ? waayo  cliton waxay ka mid ahyd xisbiga aboma ee dalka sideedii sano ee udanbeeyey soo maamulayey, marna waxayba ahyd wasiirkii arimaha dibada ee obama ,sidaas la ajligeed ,dadwaynahu u  may arkayn in ay  xisbi xaakimku sii wadi karo dib uhanaynta dhaqaalaha obama kadib , sidaas darteed waxay keeneen waji cusub oo ka soo jeeda xisbigii jamhuuriga , waayo , awooda wax bedelaysaa waa shacabka , waxna  dooranaysaa waa shacbka.

Hadaba Dal kasta  marka uu galo xaalad dhaqaale  oo busaaraduna  faraha ka sii baxdo  , oo shaqo  la aantu faraha  ka baxdo , xisbi xaakimku iskuma luro in uu marlabaad saaxada ku soo noqdo ,waayo waxay istusaan in ,samcadoodii  sideedaa sano malinba maalinta ka danbaysa hoos  u sii socotay, oo aanay wax ay dadka ku soo jiitaan hada sheegi Karin,

Hadaba maxaa obama marlabaad loogu doortay? Waxaa loogu doortay wax uu sare u soo kiciyey dhaqaalahii dhulka galay ee maraykanka , wax uu abuuray boqolaal shaqo, waxa uuna sare u soo qaaday dhakhligii qofka maraykankaa ( per capita income ) waa taas la dib loogu doortay, laakiin cliton waxay la hayduun  dariiqii obama yaan raaci doonaa, wax fikir cusub aha oo ay la shir timidna muu jirin, waxaa loo arkuun in uu obama doonayo in ay ka  sii qaado halkii  dariiqii uu jeexay, taasina waxay fursad u noqotay  xisbigii jamhuuriga  ahaa

Gabo gabadii

Xisbi xaakimka dalkeenu  waxa uu dalka soo xukumayey 7sano ,islamarkaa waxay ka dhigan tahay labadiisii waqti wuu dhamaystay, sidaas darteed xisbi xaakimku ha ina hortaagnaado 12 sano , wax macquula ma aha ee bulshoy waxaa loo baahan yahay waji cusub, xisbi cusub, iyo afkaar cusb oo busaaradan inaga yareeya, waana tii ha hayd maahmaadu “ waxii cusub calamkaa jecel  oo umadaa jecel “

By: khadar adam aw muuse