Waxaynu taaganahay maalin aynu dheriga ka dhignay yacyacood oo aynaan bisaylna gaadhsiinin qaydhiina ka keenay

Bismilaah marka hore waxa mahad oo dhan is ka leh allaha wayn (SWT) ee Inagadhigay umad islaam ah Intaa kadib waxan mahad gaar ah u soo jeedinayaa saxaafada madaxa banana ee ka hawlgasha dhamaanba dalka Somaliland iyo guud ah ahaanba shacbi weynaha reer somalialand meelkasta oo ay joogaanba waxaan leeyahay illaahay xaqa hanagaransiiyo dhamaanteenba.

Maanta bulshada Somaliland halkay maraysa maxayse qabsan kartaa ? waxa walba waynu qabsan karnaa hadii aynu ahaano dad iskuu duuban aduunkuna waxa uu horumar ku gaadhay bulshadiisaa oo isku duuban
Manta Somaliland waxay gaadhay hurmar la taaban karo oo dhinac walba ah.

s ww

Maanta waxaynu taaganahay maalin aynu dheriga ka dhignay yacyacood oo aynaan bisaylna gaadhsiinin qaydhiina ka keenay, Maanta waxaynu gaadhsiinay dalkeena Somaliland hanaan dimuqraadiyadeed oo aan ka hirgelin dhamaan afrikada madow, waxaynu yagleelay ama aasasnay axsaab siyaasadeed oo ka hirgelay dhamaan Somaliland, waxaynu qabsanay dooroshadii Madaxtooyada oo dalka ka dhacday, Dawladdii la doortay ee sida dimuqraadiyadda ah loo doortay waxaa la odhan kara waxay samaysay dedaal aaad uu baladhan “, waxaad mooda in Xukuumadda Somaliland ay maanta ku fikirayso sida tani “haddii la gaadhay nabadgelyo maxaa kale inoo hadhay? Waxaad mooda inay xukuumaddii daadal dheerad ah muujisay oo doorasho loo dhan yahay wadanka ka dhacdo tiiyoo imikana lagu gudo jiro siii ay uu qabsoomi lahad diwaaan galinta madaniga ah, waa lala hadlay diblomaasiyiin badan oo kun jeer ayaa loo sheegay in Somaliland tahay qaran gooni u go’ay aanay waxba ka gelin waxaa Soomaaliya yaalla, Su’aashu waxay tahay maxaa xiga? Waxaa hubaal ah inaan horumar dhinac weliba leh inoogu imanayn fadhiga, waxaan qaba in
Aan dib u milicsado mawduucayga dulucdiisa ah dhismaha dalkeena , dhinac kastaba ha noqotee waa inaynu u guntanaa, guntiga dhiisha iskaga dhignaa ‘ waana in aynaan ugu mashquulin wax micno la’aan ah oo meel In oo wadayn , dhaliilna waxba matartee , kartibaa waxtar leh.
Bulshadeenana waxa looga baahan yahay in aynu ka wada qayb qaadano horumarka iyo dhismaha dalka .
Waxii lagu tabco waa laga midho dhaliyaaye haloo dhabar adaygo , oo yaan laga caajisin.
Dal walbaa dadkiisaa gaadh siiyaa hour mar sida ay bulshadiisuu isugu xidhan tahy

Qofkastoo dadka Somaliland ahba waxa la gudboon doorkiisa inuu ka qaato dhinaca la gudboon dhismaha dalka iyo hiigsiga himiladiisa toolmoon .
Waxa waajib ah inaan qofna wax loo sheegin ee uu gartaa kaalintuu ka qaadan lahaa Qarankiisa Somaliland.
Ma aha wax mucaariduun ee maxaa midho ah baa mudan , si guusha loo gaadho dalka iyo dadkuba uu gaadho yoolkooda fog , lana yeesha hadaf midho dhal ah oo horumar leh.

Haddii aynaan samaynin hagrasho , run ahaantii waa la gaadhayaa horumar , mana dhacayso in wax qabad la’aan horumar ku yimaado iyo karti la’aanba ee bulshooy baylah ka dhawr dhulkaaga dheemantaa, kuna dhiirada wixii mashaariic iyo maalgashiba waa in maal qabeenadeenu aanay ka gaabin ee ay iyagu uga horeeyaan cidkastaba oo ay dhiiradan oo ay fahmaan , taasina waxay keenaysaa in dhaqaalihii dalka kor u qaadaan , dadkuna haka raystaan shaqo la’aanta jiilal kala duwan ragaadisay , iyaguna waxay helayan dhaqaale aanay ka heleen meelnaba ee Eebe ha garan siiyo maalqabeenadeena. Insha allaaah
Wad mahadsantihiin

Sucaad sh ahmed osman
Tell: 4402931
Email: sucaadshahmed@gmail.com

Wabilaahi Tawfiiq