‘Waxaannu Qabanaa Wax Kasta Oo Aannu Ku Kasban Lahayn Kalsoonida Bulshada Caalamka’ Wasiirka Macdanta Somaliland.

(SLT-London)-Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa warraysi khaas ah oo uu siiyey 15 bishan telefiishan falanqeeya ganacsiga oo la yidhaa Arise Global Business Report ku difaacay haddii Soomaaliya sheegato shidaalka shirkaddaha ajnebiga  ah baadhistiisa ka wadaan Somaliland, isagoo sheegay in aanay cid kale sheegan karin, balse qaranka Somaliland iyo shacabkiisu iska leeyiiin.

Waraysiga Wasiirka oo ahaa mid ku baxay luuqadda Ingiriisiga ayaa la waydiiyey su’aal ahayd; “Haddii ay shirkaddaha shidaalka baadhaya helaan saliida yaa iska yeelanaaya, ma Somaliland, mise Soomaaliya? Waxa uu ku jawaabay;

unnamed (6)

“Maadaama aynu rumaysanahay in Somaliland iska leedahay, sida aad xustay Somaliland waa qaran iskii isu taagay oo ka madaxbannaan Soomaaliya muddo 23 sannadood ah. Somaliland waa qaran xaqiiqo (Defacto) ahaan u jira oo khayraadkiisa maamula, sidaa darteed waxaannu rumaysanahay in aannu haysano sharciyad ah in shidaalka iyo saliidaas uu iska leeyahay qaranka Somaliland. Tusaalaha ugu wanaagsan ee taas ku tusaya waa; waxa dalka ka jira shirkaddo ganacsi oo shisheeye oo heshiis la gala Somaliland, mana tagaan Muqdisho si ay uga soo qataan laysanka ay ku hawlgalayaan, waxaanay yimaadaan caasimadayada Hargeysa, heshiisyadaasna waxay la saxeexdaan dawladda Somaliland, basle Soomaaliya lama galaan.”

Sidoo kale, waxa la waydiiyey Wasiirka in xukuumadda Muqdisho ku andacoon karto lahaanshaha shidaalka haddii shirkadduhu mustaqbalka ku guulaystaan soo saaristiisa, waxaannu yidhi; “Ma saadaalin karo waxa xukuumadda Muqdisho qaban doonto, iyagaana khusaysaa waxay samaynayaan, balse waxaannu boqolkiiba boqol hubnaa in khayraadka uu yeelan doono Qaranka Somaliland, waxaana asal ahaan iska leh shacabka Somaliland”

Wasiirka Macdantu waxa uu sheegay in shir ganacsiyeedkii London dhawaan Somaliland loogu qabtay ee weftiga Madaxweynuhu hoggaaminayaa ka qaybgaleen uu dano weyn u xambaarsana Somaliland, isla markaana ay jiraan shirkado iyo ganacsato caalami ah oo danaynaya in ay maalgashadaan dalka

“Somaliland wuxuu ahaa qaran madaxbannaan oo xoriyadiisa ka qaatay Ingiriiska 26 June 1960, kadibna waxaannu iskaayo ula midawnay dalka Talyaanigu guumaysanayey ee Soomaaliya loo yaqaanay, midawgaasina wuu shaqayn waayey, kadibna waxaannu kala noqonay madaxbannaanidayadii Soomaaliya.

Waxaannu qabanaa wax kasta oo aannu ku kasban lahayn kalsoonida bulshada caalamka, mana hayno waddan sidii dawlad jirta noola dhaqmaya, balse waxa dalka ka furan xafiisyo ay leeyihiin dalal kala duwan sida Ingiriiska, Itoobiya, Jabuuti, Kenyana hadday ka furanaysaa xafiiska siday sheegeen. Waxa jira hay’addo caalami ah oo Qarammada Midoobay ka tirsan oo noola macaamila sida qaran madaxbannaan, iyagoo aan noo soo marin Muqdisho,” ayuu yidhi Wasiir Ducaale oo ka jawaabaayey aqoonsi la’aanta bulshada caalamku dhibtay ku keeni karto iyo sida loola macaamilo dalka Somaliland.

Source: Jamhuuriya