“Waxaan U Mahad-naqayaa Dawladda Soomaaliyeed, Iyo Madaxweyne Ku-xigeenkii Oo Joogo Xafladda..” Guddoomiyihii Baanka Soomaaliya Oo Khudbad Buuqa Iyo Qaylo Abuurtay Ka Jeedisay Madal Uu SAYLICI Fadhiyey.

(SLT-Boorama)-Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Soomaaliya Marwo Yusur Cabdiraxmaan Faarax (Abraar) oo ka mid ah Aqoonyahannada Reer Somaliland, ee aaminsan Mabda’a Midnimada Soomaaliya, ayaa khudbad ka jeedisay Xaflad loo sameeyay Arday ka Qallin-jebiyey Jaamacadda Camuud ee Magaalada Boorama.

Yusur Abraar oo Maalmihii u dambeeyay la sheegayey inay Somaliland timid, isla-markaana su’aalo la iska waydiinayey sifaha ay ku soo gashay Dalka, maaddaama oo ay ka soo horjeedday Qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland, ayaa ka qayb-gashay Xaflad Jaamacadda Camuud ee Boorama loogu sameeyay Arday ka qallin-jebiyey, waxayna halkaa si furan uga jeedisay khudbad ay ardayda ku Dhiiri-gelinaysay.

Marwo Yusur oo aan illaa hadda la ogayn inay Dalka ku timid Cafis ay ka heshay Madaxweynaha Somaliland iyo in kale, ayaa hadal kooban oo ay Doraad ka jeedisay Jaamacadda Camuud waxay dhowr jeer ku Halmaantay Magaca Soomaaliya, “Waxaan u Mahad-naqayaa Dawladda Soomaaliyeed, oo Madax faro badan iyo Madaxweynihii (ku-xigeenkii) ka joogo Xafladda..” ayay tidhi, Marwo Yusur, balse markii Ardaydii iyo Dadkii Shacabka ahaa ee Xafladda joogay ku buuqeen ayay ka noqotay Kalmadihii ay ku Halmaantay waxayna tidhi iyadoo isa saxaysa isla-markaana Qosleysa “Raali ahaada, waa wax iska dhaca (Halmaanku) markaad dibedda ku raagto, laakiin Inaan Somaliland joogo waan ogahay, inaan Joogo Boorama oo aan ku dhashay waan ogahay, waxaanan u Mahad-naqayaa Madaxda Somaliland oo in badan idinku soo tabacday (Ardaydeey)..”

Xafladda Qallin-jebinta ah ee lagu qabtay Jaamacadda Camuud ee ay hadalka ka jeedisay Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Soomaaliya waxa ku sugnaa Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka WADDANI iyo Wasiirro, laakiin mid kaliya kama hadal sifaha ay Dalka ku soo gashay Dalka Haweenaydan Xilka Sare ka soo qabatay Dawladda Federaalka Soomaaliya, halka uu Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isaguna halkaa khudbad ka jeediyey uu sheegay inuu Dalka ku soo dhaweynayo Haweenaydan, “Yusur-na waan u Mahad-naqayaa, Qudhunkii Soomaaliya ayay aragtay oo ay ka timid, waatii Laaluushka iska diidday, markaa soo Dhowow ayaan leeyahay, inta kalena ILAAHAY ha inoo soo hadeeyo Walaalayaal, Caws Jiilaal waa lama huraan, halkan (Somaliland) baa la iskugu imanayaa ee aynu hagaajinno.”

Somalilandtoday/Hargeysa/Office