“Waxan Ahay Musharax 1-aad Ee Jagada Madaxwayne Ee KULMIYE ,Kamana Tanaasulayo”SAMAALE.

(SLT-Hargaysa)-  Wasiirkii hore ee Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa ku dhawaaqay in uu yahay murashaxa koowaad ee u tartamaya jagadmadaxtinimada Xisbiga Kulmiye dhexdiisa.cabdicasiis-samaale.

warsugannnnn

Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa sheegay in aanu ka hadhin hankiisii murashaxnimo ee xisbiga kulmiye.
waxaanu sheegay in aanu ka tanaasulin hankiisii murashaxnimo,waxaana uu yidhi “Waa been aan jirin, waxba kama jiraan, waa bartaydii, anigu bartaydii baan kaga jiraa Tartanka, waxa aan ahay murashaxa koowaad ee u tartamaya madaxweynaha xisbiga kulmiye dhexdiisa, kama tanaasulin, kama hadhin, cid aanu arrintaa ka wada hadalnayna ma jirto, waxaanan ahay mashquul ee iga raali ahaada” ayuu yidhi Cabdcasiis Maxamed Samaale.
Hirdanka Murashaxiinta xisbiga Kulmiye ayaa meel sare maraya, waxaa ilaa iminka inta la og yahay hankooda si waadax ah u cadaystay Muuse Biixi Cabdi, Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, Cabdcasiis Maxamed Samaale iyo wasiirka arrimaha dibada Somaliland.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com