“Is-diwaangeliya Si Qarankeennu U Yeesho Muwaadiniin Gaar U Ah” Wasiirka Warfaafinta Somaliland

(SLT-Hargaysa) – Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ugu baaqay shacabka inay is diwaan galiyaan si muwaadin nimadoodu u sugnaato Wasiirka oo fariin u diraya shacabka wuxuu yidhi.

maxresdefault

“Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland way tisqaaday, waxaynu leenahay xuduudo sugan, waxaynu leenahay calankii, waxaynu leenahay distoorki, waxaynu leenahay Xukuumadi, waxaynu leenahay Madaxweynihii, waxaynu leenahay Golihii Wakiilada, waxaynu leenahay Golihii Guurtida, waxaynu leenahay Ciidan Qaran, waxaynu leenahay lacag inoo gaara, waxa inaga dhiman inaad is diwaan galiso, oo dalkan iyo Qarankani yeesho Muwaadinkii gaarka u ahaa.”

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

Contact@somalilandtoday.com