“Waxa Booqasho Inoogu Yimi Wefti Ka Socday Safaarada Maraykanka Oo Uu Hoggaaminaayo Safiirka Maraykanka Ee Soomaaliya”

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyey!

Hargeysa (Somalilandtoday)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday safaaradda uu Maraykanku ku leeyahay Nairobi iyo madaxa hay’adda USAID xarunteeda magaalada Nairobi oo Somaliland ku yimid safar.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Cali Shire oo ka qayb-galay kulanka uu Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland kula yeeshay Madaxtooyadda ayaa sheegay in waftigan hoggaaminayo safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Soomaaliya oo ah markii ugu horraysay ee safar ku yimaado Hargeysa.

 

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Cali Shire oo markii kulankaasi soo dhammaaday warbaahinta la hadlay ayaa yidhi “Saaka waxa halkan bookhasho inoogu yimi wefti ka socday safaarada Maraykanka oo uu hogaaminaayo safiirkay Maraykanka Soomaaliya ee uu fadhigiisu yahay Nairobi Stephen M. Schwartz iyo madaxa haya’dda USAID, Waa markii ugu horraysay ee ay ina soo siyaartaan si ay ula kulmaan dawladda, asxaabta iyo ururada bulshada si ay ugu kuur galaan xaaladeena xagga abaaraha, doorashooyinka, xaga bulshada iyo dhinacyo fara badan, saaka shirkaa waxa noo guddoomiynayey madaxweyne ku xigeenka si aad iyo aad u wanaagsan ayuu noogu dhacay, si saraaxad leh waanu isugu waranay waxa aanu rajaynayaa awalba cilaaqaadkeenu uu wanaagsana inaga iyo Maraykanka inuu ka sii wanaagsanaado intii hore, insha Allah waxa aanu rajaynayaa inay mar kale nagu soo noqdaan musqablka”. ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Cali Shire

Dhan kale Safiirka dawladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Mr.Stephen Schwartz., ayaa uu kulan la qaatay xisbiyada qaranka Somaliland iyo Komishanka Doorashooyinka oo ay kala hadleen arrimaha doorashooyinka iyo waxyaabaha u baahan in la xoojiyo si aanay doorashadu mar dambe dib ugu dhicin.

Si kastaba ha ahaatee hadalkan uu ka dhawaajiyay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Cali Shire ayaa laf-jab ku ah qaranimada iyo madax-bannaanid Jamhuuriyadda Somaliland.