“Wax-qabadka MAAYARKA Hargeysa, Wuxuu Ka Muuqdaa Caasimadda Somaliland” Caaqil Xasan Ibraahim Xuseen + Sawirro

(SLT-Hargeysa) –  Caaaqil  Xasan   Ibraahin  Xuseen, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka degmada Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa, ayaa ammaanay waxqabadka Maayarka Caasimadda, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), waxaanu ugu baaqey inuu halkaa ka sii wado.

Waxbaqadka M 1

Caaqil Xasan, ayaa waxa war-saxaafadeed kooban oo uu caawa ka soo saaray Hargeysa ku sheegay in Maayarku wax badan ka qabtay degmooyinka Hargeysa, siiba degmada Maxamed Mooge, sidaa daraadeedna ay jecel yihiin inaanu dhag jalaq u siinin shaqsiyaad uu ku tilmaamay in aanay horumar la doonayn Hargeysa.

Waxbaqadka M 2

Caaqilka ayaa War-saxaafadeedkiisa ku bilaabay “Maanta horumarka ay adduunyadu  ku socotaa waa  mid cilmiyeysan  oo dhaxal ugu dhigmeysa  Dadka  hiigsaya ama wax   ka baranaya, sidaa daraadeed horumarka waxaa ka mid ah  waxqabadka.

Waxqabadka M

Markaad   masuul tahay   ee dalkaaga iyo dadkaaga  aad wax wanaagsan u qabato   oo   muuqda,  waa mid  aan la iloobeyn   oo buugga u galleysa. Maanta maayirka   caasimadda Hargeysa,  xilkiisii  wuu ka soo baxay, waxqabadyo  kala duwanna  wuu qabtey intii   uu xilka hayey,    weyna ka muuqataa caasimadda.

Waxbaqadka M 4

Anigoo  Caaqil Xasan Ibraahin Xuseen,  kana soo jeeda  degmada  Maxamed Mooge waxaanu   degmada ka sameyney   horumaro la taaban karo ,  haddii ay waddo tahay, biriish, buundo, waddooyin laga saarey degmooyinka.

Waxbaqadka M 3

Waxaa ka mid ah xashiishkii tuulaan jirey meelaha waddooyinka ah,   maanta ma  jiro   oo iskaashatooyinka  xashiishka   u xilsaaran ayaa  guryaha  hortooda soo mara oo dadka ka qaada xashiishkooda, taaasin waa wax qabad u soo   kordhey   caasimadda Hargeysa.

Waxbaqadka M 3

Caaqil Xasan Ibraahim

Sidoo kale, waxa jira xildhibaanno  wax qabad leh   oo wada shaqeyni   naga dhaxayso   oo  sharaf leh,  Waxaan   hadal kaygii  kaga  baxayaa, Maayir  halkaa ka sii wad  oo  kuwa  aan  horumarka  dooneyn ee dib innoo dhigaya ee aan jecleyn  cid  waddanka  wax  u qabata iyo iyo cid madax ka noqotaba ha eegin ee horumarkaaga halkaa ka sii wad.

Waxqabadka M

Masuul waxaad ka tahay   umadda,   waa inaad   ka fikirtaan  horumakeeda iyo  sidii aad wax ugu qaban  lahaydeen”

 

Somalilandtoday.com/Hargeysa Office

Contact@Somalilandtoday.com