Wax Ka Baro Xanuunka Gaastarida Iyo Waxa Uu Yahay W/Q:- Maxamed Shucayb Axmed.

Waa xaalad uu caabuq ama boog ku samaysanto  dahaadhka sarre ee caloosha caadi ahaan dahaadhka sarre ee calooshu waxa uu ka kooban yahay qanjidho dheecan sidayaal ah kuwaasi oo caloosha u soo saara Acid iyo dheecanka loo yaqaano Bepsin si loo fududeeyo dheefsiidka iyo fayo qabka caloosha , acid calooshu waxay u fududeysaa dheefsiidka in si fudud loo burburiyo cuntada sidoo kale bepsin waxay fududeysaa dheefsiidka cuntada si looga nuugo protein ku jira cuntada

Hadaba waxa jira dahaadh yar oo ku dahadhan caloosha ee  Mucus kaasi oo caloosha ka celiya Acid si anay dhaawac u soo gaadhsiin marka uu dahaadhkaasi haleelo xanuun waxa la soo saara dheecan yar iyo acid yar si kastoo ahaato dahaadhka calooshu wuxuu soo saara mucus badan si looga hortago acid inanay waxyeelayn caloosha ugu dambayn se waxay u nuglaada acid waxanu isu bedelaa boog

gaastaridu waxay noqon kartaa mid si degdeg ah u ugu dhacda ama mid wakhti badan soo jiidata  (acute or chronic).

Ama mid daxalaysi dhiig ama aan daxalaysnayn ( erosive or nonerosive:)

Maxaa keenagasric(gastritis)?Sababaha yar yar

·         Isticmaalka maandooriyaha sida alkohosha

·         Mataga mudada badan aad matagaysay

·         Werwerka iyo walbahaarka

·         Cunto la’aanta ama gaajada oo aad isku eegto

·         In asiidha calooshu ay kala badato ama anay isu dheeli tirneyn

·         Isticmaalka cuntooyinka xawaashku ku badan yahay iyo kuwa ka samaysan daqiiqda

·         Iyo sidoo kale qadashada dawooyinka xanuun baabiyeyaasha NSAIDs

Sababaha waaweyn

*      Sidoo kale waxa sababi kara loona aaneeya inta badan Bacteria loo yaqaano Helicobacter pylori (H. pylori) bakteeriyadani oo ah mid ku nool xuubka sarre ee caloosha ku dahadhan ee loo yaqaano mucus membrane taasi oo marka ay ku badato caloosha sababta caabuq ama infection sababi kara inuu caloosha ku yimaado nabar nabarkaasi oo haddii aan la daweyn noqon kara cancer

Waxyaalaha kale ee loo aneeyo in ay sababaan xanuunkan gastric waxa ka mid ah

Pernicious anemia: waa mid ka mid ah xanuunada ku dhaca dhiiga taasi oo ay sababaan marka habdhiska dheefsiidkaagu uu tahli waayo inuu nuugo noocyada vitamin B12 ama sidoo kale dheecanka loo yaqaano Bile uu dib ugu noqdo caloosha taasi oo uu ku sababo xanuun gudaha caloosha

FG:  haddii aan la  daweyn gastric waxa yimaada  dhiigbax aad u daran taasi oo qofka ku sababi karta dhiig la’aan sidoo kale sahli kareysa inuu haleelo qofka xanuunka  cancer caloosha ku dhaca.

Calaamadaha lagu garto gaaska(gastritis)?

Ø  Yalaalugo

Ø  Matagkaasi oo noqon kara mid dhiig wata ama aan wadan labadaba

Ø  Laab dilaac

Ø  Dibiro

Ø  Cunto qadashada oo ka lunta qofka ama (loss of apetitte)
Misaankiisa oo hoos u dhaca

Ma lagu kala qaada xanuunkan ama ma la isku gudbin karaa xanuunkan ?

Xanuunkani waxa uu ku gudbaa habka loo yaqaano fecal contamination ama wasakhawga biyaha cuntada iyo nadaafad darada sidoo kale waxaad ku qaadi kartaa dheecanka ama candhuufta qofka oo kuu raacda cuntada ama cabitaanka bulshaweynta somalidu ha ka taxadiraan shaaha ay maqaaxiyaha ka wada cabaan weelka lagu shubayo nadaafadiisa

Sidee lagu ogaan karaa xanuunkan

Ugu horeyn baadhitaanka cafimaad ee u horeeya ee loo sameeyo bukaanku waa inuu noqda

  • Wareysi caafimaad iyo baadhis lagu sameeyo duleedka sarre ee jidhkiisa (medical history  physical exam)

Sidoo kale waxa la sameeya baadhitaano kala duwan si loo xaqiijiyo inuu yahay xanuunkani gastric ama xanuunada kale ee lagu khaldi karo waxanad samayn kartaa badhitanadan :

Upper endoscopy: qalabkan waxa lagu hubiyaa in calooshu ay  leedahay wax caabuq ah ka dibna waxaa la sameeynaa biopsy waa hab lagu soo jaro cad yarama gaska caloosha ku dahadhanka dibna shaybaadhka (laboratory) ayaa lagu baadhaa.
Baadhitaan dhiig (Blood test): waxa la hubinayaa in unugyada cas cas ee dhiiga  (red blood cell) ay ka yar yihiin inta caadiga ah ama qofka ay ka muuqato dhiig la’aani  (anemic).
Fecal occult blood test (stool test)sidoo kale waxa la baadha saxarada bukaanka iyada oo laga eegayo in wax dhiig ahi la socdaan

Sidee loo daweeya xanuunkan ?

Marka la ogaado waxa sababay xanuunkan sida bakteriyada keentay waxa loo daweeya qaabab kala duwan inagoo u kala saraynaa sida ay kolba xalada bukaanku tahay ,

Waxaynu bukaanka siina dawooyinka jeermis dilayasha ah ee loo yaqaan Antibiotic sida

Ø  amoxicillin,

Ø  clarithromycin  iyo kiniinada kale (Biaxin), metronidazole iyo tetracycline-

Sidoo kale waxaad qadan kartaa haddii uu cusub yahay xanuunkani iyo haddi kaleba dawooyinka loo yaqaano Protein pumb inhibitors kuwaasi oo shaqadoodu tahay inay ka xidhaan caloosha Acid lagu soo daayo si ay dheefsiidka u fududayso bakteeriyadana u disho dawadani marka ay joojiyaan acid caloosha waxay firfircooni geliyaan in boogtii caloosha ku samaysantay ay soo kabato oo ay bogsato waxana laga yaaba daawoyinkan oo aad sida loogu talo galay u qadata inay ka saarto ama eridication ku samayso xanuunkan isaga ah dawooyinkana waxa ka mid ah :

Ø  Omeprazole (Prilosec),

Ø  Lansoprazole (Prevacid),

Ø  Rabeprazole (Aciphex),

Ø  Esomeprazole (Nexium),

Ø  Dexlansoprazole (Dexilant) and

Ø  Pantoprazole (Protonix).

Sidoo kale haddi ay sahlan tahay xalada xanuunkani waxaad qadan kartaa daawooyinka yareeya Acid ee loo yaqaano H-2 Blockers ee ay ka mid ka yihiin

Ø  Ranitidine oo ay somalidu badana u taqaan (Zantac),

Ø  Famotidine (Pepcid),

Ø  Cimetidine (Tagamet)

Ø  Nizatidine (Axid).

Daawoyinkani waxay dheeli tiraan acid caloosha waxana suuro gal ah inaad ka raysato laab dilaaca iyo nabarka calooshaba

Sidee looga hor tagi karaa khatarta xanuunkan ?

Qof kasta oo qaba ama isku xog xanuunka gaasta waxa muhiim ah inuu raaco talooyinkan

Ø  Fadlan ku dhaq ama maydh gacmahaaga sabuun ama jeermis dile suuliga ka hor ka dib iyo mar wal oo aad cunto cunid u diyaar garoobayso sidoo kale salaanta badan ka dib isticmaal jeermis dile anti septic

Ø  Cun cunto aad hubto in si fiican loo kariyey nadaafadeeduna sugan tahay

Ø  Cab biyo badan oo aad hubto nadaafadooda caafimaad

Ø  inaad qaadato  daawada gaaska adigoo la tashanaya shaqaale caafimaad / dhakhtarkaaga.

Ø  inaad cunto cuntada galka leh ama qolofta leh ee badanaa suuqyadeena laga sida gallayda, garawga, hadhuudh yaryaraha ama masaggada oo aan laga qaadin qoloftii kuwaasi oo aad cunto ugu yaraan halmar maalintii sida shuurada, digirt iyo hadhuudhka. Sidoo kale cun cuntada nafaqada leh ee khudradu ka mid tahay

Ø  inaad iska ilaaliso fikirka iyo walbahaarka badan dhawrtana nadaafada weelka aad wax ku cunayso

Ø  Inaad yareysato shaaha iyo bunka kana fogaato cabitaanka sigaarka

Ugu dambayn adeeg bixiya cafimaadku maaha daweeyaha saxda ah ee xanuun walba haddii ay ku anifici wayaan talooyinkiisu isbedalana aad arki weydo mar walba allah talo saaro dawadadana iska wad

Tixraac

https://www.niddk.nih.gov/health-information/health-topics/digestive-diseases/gastritis/Pages/facts.aspx

Davidson 21 edition

Diyaarintii Mohamed Shucayb Ahmed ( marty mohamed)