WAX KA BARO XANUUNKA EBOLA (Waxa keena xanuunka, calaamadaha lagu garto, sida la iskugu gudbiyo, daawayntiisa iyo sida looga hortago) Dr.Mohamed-Culimo

 Xanuunka loo yaqaano Ebola Virus disease (EVD) oo wakhtiyadii hore loo yaqaanay Ebola haemorrhagic fever waa xanuun dilaa ah oo ku dhaca dadka iyo xayawaanka qaar ka tirsan. Qofka uu ku dhacaa wuxuu u badan yahay dhinaca geeridda (qiyaastii 60% dadka xanuunka qaadaa way dhintaan).. Waxa dhaliya ama keena ili-ma qabatay (Virus) loo yaqaano Ebolavirus. Markii ugu horaysay ee adduunka lagu arkaa waxay ahayd 1976kii oo uu ka dilaacay wadanka koonfurta Sudan hasayeeshee waxaa la ogaaday inuu xanuunkan yahay isla sanadkaa dhamaadkiisii oo lagu arkay  Congo/Zaire, gaar ahaan agagaarka wabiga Ebola (Ebola river), waana halka loogu magac daray.Ili-maqabatayga keena xanuunka waxaa loo qaybiyaa afar nooc oo la kala yidhaaBundibugyo virus (BDBV), Sudan virus (SUDV), Taï Forest virus (TAFV) iyo Ebola virus (EBOV, oo wakhtiyadii hore loo yaqaanay Zaire Ebola virus). Waxaa ugu halis badan nooca loo yaqaan Ebolavirus/Zaire Ebola virus oo ah ka hadda ka dilaacay wadamada galbeedka Africa. Xanuunkan hada dilaacay waxa uu ka bilaabmay wadanka Gunea ee ku yaal galbeedka Africa horaantii bishii March ee 2014,hadana wuxuu si dhibyar ugu fiday Sierra Leone, Liberia, Nigeria, Senegal iyo daafaha dunida sida Maraykan iyo yurub (Spain). Qaarada Australia wali lama xaqiijin qof xanuunka qaba hasayeeshee waxaa jira dad looga shakisan yahay oo baadhitaan lagu wado. Galbeedka Africa oo kaliya wuxuu xanuunku ku dhacay in ka badan sideed kun oo qof (8000), kala badh in ka badan(60%) dadkaasi way geeriyoodeen. Dalka Maraykanka laba qof oo la xaqiijiyey inuu xanuunku ku dhacay bishan October midkood wuu dhintay, kii kalena wali waa la dawaynayaa. Sidaas oo kale dalka Spain laba qof oo la xaqiijiyey inay xanuunka qaadeen,mid wuu dhintay, kii kalena cusbitaal ayuu ku jiraa. 

Dr.Culimo-4 (1)

 Xanuunkani wuxuu hore uga dilaacay wadamada Uganda, Congo, Sudan, South Africa, Gabon, iyo Cote d’Ivoire.Wakhtiyadii hore xanuunka waxaa lagu arki jiray meelaha miyiga ah laakiin hadda wuxuu ka dilaacay magaalooyinka.

Sidee lagu qaadaa xanuunka?

Fiditaanka xanuunka Ebola uma khatarbadna sida xanuunada ku gudba habka neefsiga. Xanuunkani waxa uu ugudbaa dadka marka dadku xidhiidh (contact) la sameeyo ama jidhka dadku gaadho jidhka ama dareerayaasha xayawaan qaba xanuunka sida daayeerka iyo cayayaanka duul duula ee shimbirta u eeg  ee loo yaqaan fruit bat. Marka uu qofku xanuunka qaado ee uu calaamadaha yeesho dadka kale ayuu u sii gudbin karaa. Hababka ugu badan ee la iskugu gudbiyo waxaa ka mid ah qof xanuunka qaba oo aad gacanqaado (salaanto).

Dhiiga,dhunkashada, candhuufta, mataga, saxarada, ilmada(tears), caanaha naaska, kaadida, manida iyo dhididkana waa lagu gudbiyaa .Sidaas oo kale qofku xanuunka wuu qaadi karaa hadii qofku cuno hilibka xayawaan qababa xanuunka. Xanuunku. Waxa kale oo uu ku gudbi karaa isku taga jinsigaXanuun dhaliyaha Ebola wuxuu inta badan qofka ka galaa sanka, afka, indhaha iyo nabaradda daloola ee jidhka ku yaala. Dadka ugu badan ee xanuunka qaada waxaa ka mid ah dadka hawlwadeenada caafimaadka iyo dadka xanaaneeya dadka uu xanuunku ku dhacay. Waxa kale oo iyaguna xanuunka qaada dadka maydha maydka dadka xanuunka u dhintay. Hababka kale ee aad xanuunka ku qaadi karto waxaa ka mid ah taabashada qalab caafimaad oo sidda xanuun dhaliyaha sida irbadaha iyo siriijyada.

Xanuunka Ebola kuma fido, lagumana kala qaado neefsashada , cuntada iyo biyaha. Haddii qofku uu qabo xanuunka laakiin aanu lahayn calaamado ma gudbin karo, lagamana qaadi karo xanuunka.

Calaamadaha lagu garto xanuunka Ebola Qofku wuxuu yeelan karaa calamadaha hargabka ama durayga oo kale.Calaamadaha ugu horeeya ee xanuunku waxay u eegyihiin kuwa xanuunka kaneecada/duumadda Calaamaduhu waxay soo bixi karaan laba maalmood gudahood marka uu qofku qaado xanuunka. Waxaa kale oo ay soo bixitaanka calamaduhu qaadan kartaa saddex todobaad. Calaamadaha lagu arko waxaa ka mid ah xumad aad u saraysa, madax xanuun, isgoysyada iyo muruqyada oo xanuuna (joint and muscle aches),daal, calool xanuun, shuban iyo cunto qaadashada qofka oo hoos u dhacda (lack of appetite). Marka uu xanuunku sii xumaado/xoogaysto habdhiska xinjirawga ayaa dhaawacma waxaana bilaabma dhiig bax jidhka gudihiisa ah (internal bleeding). Waxaa kale oo bilaabma dhiig ka yimaada indhaha, sanka, dhagaha, ciridka iyo xubinta taranka ee dumarka. Dadka qaar waxay matagaan/xunqaacaan dhiig, qaar kalena waxay qufacaan dhiig, halka qaar kalena saxaradooda ay ku arkaan dhiig.Dadka qaar kalena waxaa ka soo baxa finan yar yar(maculopopular rash). Xanuunku meelaha ugu badan ee uu saameeyo waxaa ka mid ah beerka iyo kalyaha. Sidaas darteed, dadka xanuunku ku dhaco waxaa dhaawacma beerka iyo kalyaha oo shaqada dhima ama fadhiista,todobaad ama laba todobaad gudahoodna waxaa suurto gal ah inuu geeriyoodo.

Baadhitaankiisa

Si loo hubiyo in bukuhu qabo xanuunka Ebola waxaa muhiim ah in laga baadho inuu qabo xanuunada kale ee ay isku eeg yihiin sida duumada/kaneecada,shubanka iyo viral hemorrhagic fevers . Waxaa haboon in dhiig laga qaado si looga hubiyo viral antibodies, viral RNA or virus-ka laftiisa. Shaybaadhka ugu fiicani waa ka loo yaqaan polymerase chain reaction (PCR) iyo  enzyme-linked immunosorbent assay (ELISA).

 

 

Dawaynta

Ma jirto daawayn rasmi ah oo uu leeyahay xanuunka Ebola, inkasta oo hadda loo dadaalayo. Qofka uu ku dhaco xanuunkani waa in laga ilaaliyo inuu fuuq baxo, sidaas darteed waa in la siiyo biyaha loogu tala galay (fluids and electrolytes). Qofka neefsiga ayaa ku adkaan kara, markaa waa in la siiyo Oxygen. Dhiig baxa qofka ku dhacaa dhiiga qofka ayuu hoos u dhigaa sidaas darteed waa in dhiig lagu shubo. Waxyaabaha kale ee qofka la siin karo waxa ka mid ah xumad jabin iyo matag joojin.Waxaa jira dawooyinka kale oo xanuun dhaliyaha lagula dagaalamo waase  tijaabo oo hadda ayaa gacanta lagu hayaa.

Ka hortaga

Xanuunka Ebola ma laha talaal lagaga hor tagi karo, inkasta oo hada gacanta lagu hayo qaar tijaabo ah. Ka hortaga ugu wanaagsani waa inaan qofku u safrin/socdaalin goobaha xanuunku ka jiro. Waa in qofku ka digtoonaado siyaabaha xanuunku ku gudbo ee aynu kor k soo sheegnay oo dhan.Waxa wanaagsan in gacmaha lagu maydho/dhaqo saabuun markasta. Hawl wadeenada caafimaadka ee gacanta ku haya bukaanka qaba Ebola waa inay xidhaan qalabka loogu talo galay ee lagu qariyo jidhka, wajiga, indhaha iyo gacmaha (gowns, masks,gloves and goggles) si ay uga hortagaan inay nafdooda halis galiyaan. Bukaha qaba xanuunka Ebola waa in meel gaar ah oo ka go,an bukaanada kale lagu daweeyo si loo yareeyo in xanuunku fido (habkan waxaa loo yaqaan kaaraantimayn). Qofkasta oo laga helo xanuunka Ebola waa in la raadiyo lana baadho dhamaan dadkii uu macaamilka la lahaa.

Gabo gabo iyo talooyin:

Xanuunka Ebola cabsi wayn ayuu dunida ku hayaa. Waxaa la saadaalinayaa in tirada dhimashada iyo tirada dadka xanuunka qabaaba ay kor u kacdo bilaha soo socda. Waxaaa la isku raacsan yahay in wadamada nidaamkooda caafimaad liitaa (poor health care system) ugu halis badan yihiin fiditaanka xanuunka.Xanuunka Ebola wuxuu keeni karaa culays dhinac walba leh oo aanay inta badan qaadi karin wadamada Africa ee maamul xumada iyo dhaqaale la aantu iskugu biirtay.Sidaas darteed, waxaa haboon in bulshada la baro xanuunka si ay u fududaato ka hortagiisu.

 

Dhamaad

 

Dr Mohamed-Culimo Yusuf Aw Cali.

mculimo@yahoo.com

London

++++++++++++++++

Fekrada Iyo Qaabka Fahan Ee Qoraalkan Waxaa Iska Leh Qoraaga Ku Saxeexan, Kasbashadiisa Iyo Ka Booditaankiisuna Wuxuu Gaar U Yahay Isla Qoraaga. Marnaba Kama Masuul aha Shabakadda Somalilandtoday.com Balse waxay Shabakaddu Diyaar u Tahay Is Dhaafsiga Rayiga Gacal Wadaaga Ah……..