Maxaad Ka Taqaana Cudurka Halista Ah Ee Caalamku Ka Qayliyay Ebola. ? Halkan Kaga Bogo Warbxin

(SLT-WASHINGTON) markale iyo maqaaladeennii taxanaha ahaa ee caafimaadka bulshada oo aynu todobaadkan ku soo qaadan doonno aafo caafimaad oo dunida ku cusub gaar ahaan qaaradda Afrika, waa cudurka Ebola Virus.
Maalmahanba waxa dhegaheenna ku soo dhacayay dhawaaq sheegaya in cudurkan laga helay dowlado jaar aynu nahay oo hadh iyo habeenba bulshooyinkeennu u kala gooshaan, haday tahay Ethiopia oo iyadu beenisay in cudurkani dhulkeeda soo gaadhay, iyo haday tahay Kenya oo aan war badan ka bixin arrintan, iyo haday tahay askarta Afrikaanka ah ee Muqdisho joogaba, .. cudurkani waxa hubaal ah in kaahii iyo kulkiisiba ina soo gaadheen, wasaaradeennu marar way soo hadal qaaday, laakiin dedaalkii wacyi galineed ee looga baahnaa kollay waa la tebayaa.

f
Maqaalkan iyo ka soo socdaba waxaan kaga hadli doonaa cudurkan, maanta waxaan soo hormariyay wacyigalintana ku bilaabay bal inaynu horta garanno cudurkan taariikhdiisa, astaamihiisa, iyo wixii aynu ka tilmaami karno daaweyntiisa. Maqaalka todobaadka soo socdana -hadii la nool yahay- waxaan soo bandhigi doonaa hababka cudurkan looga hortagi karo, anoo tusaale u soo qaadan doona dowladaha cudurkan ka adkaaday gebi ahaantiisba, sida Nigeria.
Bishii February ee horraantii sanadkan ayaa wadanka Guinea ee galbeedka Afrika lagu arkay xaaladdii ugu horaysay ee cudurkan, kadibna waxa uu si degdega ugu gudbay wadamada la dariska ah, gaar ahaan Seirra leone, Liberia iyo Nigeria. Ilaaa 15-bisha October-2014 waxa cudurkan lagu qiyaasay dadka uu asiibay ku dhowaad 8,400 oo qof, oo 4,033 ka mid ahi u dhinteen cudurkan.
Haddaba cudurkani muxuu yahay? Magaca cilmiga ah ee cudurkan waxa loo yaqaan Ebola hemorrhagic fever (Ebola HF) ama Ebola Virus Disease, waxa uu ka mid yahay cudurada ugu khatarsan ee ay keenaan fayrasyadu, fayraska cudurkan dhaliya oo sida magaciisa ka muuqata loo yaqaan Ebola, waxa markii ugu horaysay lagu arkay sannadkii 1976kii webiga Ebola oo ku yaalla dalka aynu maanta u naqaanno Democratic Republic of Congo, waana halka uu magaca ka soo qaatay, baadhitaanno badan oo lagu sameeyay ka dib waxa lagu ogaaday in fayraskani u kala baxo 5 tafiirood, kuwaasoo 4 ka mid ahi dadka saamayn karaan, halka nooca 5aad uu gaar u yahay xayawaannada. Fayraskan waxa qaada inta la og yahay nooc ka mida fiidmeeraha duurjoogta ah, iyadoo daraasado kalana sheegaan in Daayeerrada laftoodu cudurkan faafitaankiisa qayb weyn ka qaataan.
Waa maxay astaamaha cudurkani? Sida caadiga ah cudurkani waxa uu qaataa 2-21 cisho inta aanay astaamihiisu ka soo ifbixin qofka, astaamahaas waxa ugu muhiimsan Xummad, Madax xanuun, Muruqyada iyo laabatooyinka oo xanuuna, Daciifnimo guud, Shuban, Matag iyo Calool xanuun.
Waxa dadka qaar u raaca astaamo ay ka mid yihiin: isbadallo maqaarka ah, indhaha oo casaada, qufac, laab xanuun, neef qabatow, iyo ta ugu daran oo ah dhiig bax noqon kara mid la arki karo oo jidhka dibaddiisa u soo baxa, ama dhiig ku furma gudaha jidhka.
Sidee buu ku gudbaa cudurkani? Fayraskan waxa uu dadka ugu kala gudbaa habka taabashada tooska ah “direct contact” iyadoo macnaheedu yahay in qofka buka jidhkiisa, dhiigiisa ama dheecaanada jidhkiisa qof kale taabto, waxa kale oo iyaguna gudbin kara cudurkan irbadaha lagu mudo qofkan bukay, sidoo kale waxa la soo warinayaa in cudurkani aad ugu faafay shaqaalaha caafimaadka ee daryeelka u fidinaya qofka cudurkani saameeyay.
Cudurka khatartan badan dhaliyay ayaa howshiisa waxa sii adkeeyay dhowr qodob, oo ay ugu horayso; meelaha uu cudurkani ka dillaacay oo u badan meelo durugsan oo aan heli Karin adeeg caafimaad oo horumarsan, sidoo kale waxa dhibta sii kordhiyay inay adag tahay in cudurkan la garto, maadaama astaamihiisa u horeeya uu la wadaago cuduro kale oo ka caansan kana badan, isla markaana in baadhitaan rasmiya lagu sameeyaa ay adag tahay una baahan tahay qalab horumarsan sida shaybaadhyada ELISA, PCR, IMMUNOHISTOCHEMISTRY,
Dhanka daawaynta: nasiib darro ilaa imika ma jirto daaweyn rasmi ah oo cudurkan lagula tacaalo, balse waxa ugu muhiimsan ee la samayn karaa waa in qofkan meel gaara lagu karantimeeyo oo aan loo ogolaan inay cidna u dhawaato, marka laga reebo shaqaalaha caafimaadka ee u qalabaysan una tabobaran howlahan oo kale, ka dib waxa qofka loo sameeyaa daaweyn taageero ah “supportive therapy” sida in qofka laga ilaaliyo fuuqbaxa, oo la siiyo dareere badan, in heerka Oksajiinta iyo cadaadiska dhiiga markasta laga war hayo,
Ujeedada aan maanta cudurkan u soo qaatay waxay tahay inaynu u baahanay inaynu ka war hayno khataraha caafimaad ee dunida inagu xeeran, inagoo waliba og awoodda wasaarradeenna caafimaadku halkay gaadhsiisan tahay. Cudurkan dalal badan baa lagu sheegay, maantana aduunkoo dhan isu socodkii aad buu u fududaaday, taasoo khatarta faafitaanka cudurkan sii kordhinaysa. Hadaba waxa lagama maarmaana inaynu il gaara ku fiirino dadka ka imanaya ama soo marayba dalalka cudurkani saameeyay oo kala ah: Guinea, Liberia, Sierra Leone, Democratic Republic of the Congo (DRC), Gabon, South Sudan, Ivory Coast, Uganda, Republic of the Congo (ROC).
waxa kale oo aan jeclaa inaan xasuusiyo dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadkaba inay cudurkan tirada ku darsadaan markasta oo ay helaan astaaamo uu la wadaago cudurada kale.
Dr. Xasan Weli Aadem.