“Haddaan Komishanka Noqon Lahaa, Waxaan Ilaalin Lahaa Inaan Qofna Kordhisan, Xisbigii I Soo Magacaabeyna (WADDANI), Waxa Ugu Muhiimsani Waa In Doorashadu Xilligeeda Ku Dhacdo”. Dr. Fadal

Hargeysa (Somalilandtoday) – Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI uu u xulay inuu uga mid noqdo xubnaha Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, balse uu Madaxwaynuhu laba jeer dib ugu celiyey xisbigaasi, ayaa ka hadlay sida uu u arko go’aanka uu Madaxwaynuhu ku diiday inuu Guddida cusub ee doorashooyinka ka mid noqdo.

DR-FADAL

Dr. Fadal, ayaa sheegay in sababtii uu iskaga casilay xubin-nimadii iyo xilkii uu ka hayey xisbiga WADDANI ay ahayd inuu door fiican ka qaato Guddida doorashooyinka oo uu sheegay inuu aqoon fiican u leeyahay, maadaama oo uu muddo dheer ka shaqeynayey dimuqraadiyadeynta Somaliland, laakiin uu ka xun yahay in Madaxwaynuhu diiday.

Maxamed Cismaan Fadal, oo shalay u waramay  Telefiishanka Bulsho, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya waxa uu u maleynayo in xisbiga WADDANI uu ugu xushay inuu uga mid noqdo Guddida cusub ee doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa yidhi “Xisbiga WADDANI, waxa uu iigu Magacaabay (inaan Komishanka uga mid noqdo) waxay ahayd inaan khibrad badan u leeyahay, muddo badanna aan ka soo shaqeynayey, dadkuna igu yaqaanno inaan ka soo shaqeeyay dimuqraadiyeynta Somaliland, aniguna waxaan u aqbalay waxay ahayd in maadaama oo dalkeenu dhismayo ayna arrin halbowle ah tahay inaynu iska saxno doorashooyinka, oo ay ka saxanto komishanka, waxaanan u arkaa inaan caddaalad iyo kartiba ku kordhin lahaa (Haddaan Komishanka doorashooyinka ka mid noqon lahaa), si aan sharciga u ilaaliyana waxaan iska casiley xisbigii, mar haddaan is casileyna qof dhexdhexaad ah oo hay’adda komishanka shuruucdeeda u hoggaansan ayaan ahaa, markaa inuu  Madaxwaynuhu igu soo celiyo aniga waxay iilla egtahay in aanay gar ahayn, sharci darana tahay”

Dr. Fadal oo la waydiiyey sida uu u arko qodobka Madaxwaynuhu u cuskaday dib u celintiisa oo ahayd in qofka komishanka mid  noqonayaa aanu muddo lix bilood ah ka mid ahayn xisbi, ayaa ku jawaabay “Sharciga waxa ku qoran inaanu qofka (Komishanka doorashooyinka Noqonaya) aanu dawlad u shaqeynin iyo inaanu xisbi ka tirsanayn, sidaas daraadeed-baan anigu xubin-nimadii iyo xilkii xisbigaba iska casilay, si aanan sharciga u jabin oo aan xisbiga uga faro baxo. Sharciguna wuxuu dhigayaa in marka uu komishanka doorashooyinka doonayo inaanu xil kale haynin, laakiin anigu waxaan u haystaa in sharciga loo isticmaaley qof diid” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray oo uu sheegay inuu caddaalada ilaalin lahaa haddiiba uu ka mid noqon lahaa Komishanka cusub ee loo diiday “Haddii si kale la ii adeegsanayo (Haddaan Komishanka geli lahaa) umaan liiceen oo sharcigeeda ayaan ilaalin lahaa, sharciga inaan Maalin la dhaafin ayaan ilaalin lahaa, sharciga ah inaan qofna kordhisan Karin ayaan ilaalin lahaa, markaa haddii intaasi la igu diidayo iyaga ayay u taallaa, laakiin anigu maanta iyo berriba waan samaynayaa, xisbiga WADDANI-na waxa ugu muhiimsani waa in doorashadu xilligeeda ku dhacdo”

 Xigasho Wargayska Somalilandtoday.com