Wasiirka Madaxtooyada Oo Shacabka Somaliland Iyo Muslimiinta Guud Ahaan Ku Hambalyeeyay Sannadka Cusub.

(SLT-Hargaysa)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji xasan ayaa shacabka Somaliland iyo muslimiintaba ku hambalyeeyay bilashada sannadka cusub ee Islaamka. Wasiir xirsi ayaa qoraal kooban oo uu soo dhiga barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facebooka waxa uu udhignaa sida:

 

x

Shacabka reer Somaliland iyo Ummada Islaamkaba Waxaan Uugu Hambalyeynayaa Bilowga Sanadka Cusub ee Islaamka……

Caawa waa Bilowga Sanadka Cusub ee Islaamka “Hijriya”, waa Taariikh tirsigeeda laga soo Bilaabay Maalintii Nabigeenii Maxamed” Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa ha ahatee” uu u socdaalay Madiina isagoo ka Hijrooday Makka Al-Mukarama

Caawa Waa bog cusub oo Noloshaada u furmay ee ka dhigo mid aad ku qorto Xasuuso Noloshaada Xiiso geliya.

Shacabka reer Somaliland iyo Ummada Islaamkaba waxaan Illahay uuga rajaynaynaa in uu u noqdo sanad u horseeda Guul iyo barwaaqo badan

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.