Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo Ka Warbixiyey Dedaalada Sahaminta Shidaalka iyo Macdan Baadhista ee Dalka Ka Socda+DAAWO.

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa faah-faahin ka bixiyey dedaalada shidaal baadhista ah ee dalka ka socota iyo sidoo kale sahaminta laga yaabo in wakhtiyada soo socda laga bilaabo goobaha qaarkood.

Wasiirku waxa uu sidoo kale ka hadlay macdan baadhista ay wasaaraddu samayn doonto, waxaana  uu sheegay in xooga saari doonaan sidii lo heli lahaa ilo macdaneed oo la isku hallayn karo si ay dalka iyo dadkuba wax weyn uga dheefaan.

Wasiir Jaamac oo khudbad ujeedinayay golaha wakiillada ayaa xusay caqabadaha horyaalla dedaalada sahaminta shidaalka iyo macdan baadhista, kuwaasoo uu sheegay inay ugu horeeyaan wacyiga dadka oo hooseeya. Halkan ka daawo hadalka Wasiirka oo dhamaystiran.