Wasiirka Caafimaadka Oo Maanta Furay Xarun CAAFIMAAD Oo Magaceedu Yahay NATIONAL Medical And Dental Clinic + Akhriso/Dhageyso/Sawirro

(SLT-Hargeysa) – Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa maanta xadhigga ka jaray xarun Caafimaad oo laga hirgaliyey Caasimadda Hargeysa.

???????????????????????????????

Xaruntan oo Caafimaad oo Magaceedu yahay NATIONAL Medical And Dental Clinic, ayaa waxa Munaasibadda lagu furayey ka qayb-galay Wasiirka Dhalinyarada, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada, Xildhibaan Cali Mareexaan, Xaaji Cabdi Waraabe iyo Marti sharaf kale oo badan, waxayna dadkaasi dhammaantood soo dhaweeyeen xaruntan caafimaad.

4

NATIONAL Medical And Dental Clinic, ayaa hore uga furnayd Magaalada Burco isla-markaana Magaceedu ahaa SHAAFI, hasa-yeeshee, Maamulaha guud ee xaruntaasi, Dr. Cabdirisaaq Ismaaciil Xaaji Muuse, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay xaruntan u soo wareejiyeen Hargeysa “Xaruntani waxay soo martay marxalado kala duwan, markii hore Burco ayaanu ka hawl-geli jirnay, Magaceedana waxa la odhan jiray Shaafi, laakiin Hargeysa ayaanu u soo wareegnay, Magacii xaruntana waxaanu ka dhigney NATIONAL Medical And Dental Clinic” ayuu yidhi, Dr. Cabdirisaaq Ismaaciil Xaaji Muuse, waxaanu intaasi ku daray “Waxaanu xarunta ku soo kordhinay adeegyo kale oo badan, sida daaweynta Cudurrada guud, carruurta, dumarka, ilkaha iyo wixii kale ee shaybaadh ahaa ee dalka laga heli karayey, kuwaasi oo dhammaantood casriya”

???????????????????????????????

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, Cali Siciid Raygal oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Xaruntani waxay ka mid tahay adeegyada bulshadu u baahan tahay, waanuna soo dhaweynaynaa, waxaanuna ILAAHAY ka baryeynaa inuu inooga dhigo xarun tayo leh”

Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe) oo isaguna ka mid ahaa marti sharafta ka hadashay Munaasibadda lagu furayey xaruntaasi, ayaa yidhi “Dhakhtarro hore way jireen, laakiin tanna waa mid ku soo korodhay, meesha dadka iyo dalkaba anfacda ILAAHAY haka yeelo ee barakooba ee dadku mahadiyo”

???????????????????????????????

Munaasibaddan oo ay ka hadleen dad door ah, ayaa waxa isaguna ka hadlay Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Dr. Saleebaan Ciise Axmed, waxaanu yidhi “Waxaanu halkan u nimid, muhiimadduna ay tahay inaanu dhiiri-gelinno Maalgashiga Muwaadiniinta ee dhinacyada kala gedisan ee adeegyada bulshada oo caafimaadku ugu horeeyo”

???????????????????????????????

Wasiir Xaglo-toosiye oo sii hadlaya ayaa sheegay “aad-baan ugu mahad celinayaa dadka furay xaruntan baahida weyn loo qabay, waxaanan rejaynayaa inay soo kordhin doonto adeegyo caafimaad, daboolina doonto baahi badan oo jirta”

???????????????????????????????Gabogabadii waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland, Md. Baashe Maxamed Faarax, waxaanu sheegay inuu soo dhaweynayo xarunta Caafimaad ee NATIONAL Medical And Dental Clinic.

Somalilandtoday.com/Hargeysa Office

Contact@Somalilandtoday.com