Wasiirka Arrimaha Debadda Maxamed Biixi Yoonis Oo Jaaliyada Dalka Norway La Yeeshay Kulan Aan Loo Kala Hadhin.+Sawiro

(SLT-Oslo) Wasiirka arrimaha debadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa kulan kulmiyay dhammaan jaaliyada Somaliland ee dalka Norway wuxuu kula yeeshay Magaaladda Oslo ee caasimadda dalkaas.

image

Kulankan waxaa ka soo qaybgalayay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan dalka Norway, kuwaas oo ay ka muuqatay xisaha ay u qabeen la kulanka Wasiirka.

Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka arrimaha debadda Somaliland, ayaa bulshada dalka Norway uga xogogaal waramay, xaalada guud ahaan dalku hadda maraayo, socdaalo uu ku soo maray waddamada Ingiriska iyo Talyaniga.

image

Sidoo kale wuxuu wasiir Biixi, ku gubaabiyay bulshada rer Norway inay u midoobaan qadiyada dalkooda maadaama oo ay ku nool yihiin waddan qurbe ah, isagoo sidoo kalena ammaan badan u soo jeediyay Jaaliyada rer Somaliland ee ku dhaqan dalkaas. Waxaa iyana halkaas ka hadlay xubno kamid ah haldoorka jaaliyada. Shirkan dhexmray Jaaliyada Norway iyo Wasiir khaarajiga ayaa ahaa mid aan loo kala hadhin.

Somalilandtoday/London/Office.