Wasiirada Xukuumada Cusub ee Somaliland oo Musuqmaasuqii Wadanka Halakeeyey Halkiisii Kasii Wada

SCWRWB dhamaan Bahda saxaafada Somaliland iyo Shacabka Xalaasha ah ee reer Somaliland.

Anigoo ah muwaadin Somalilander xalaal ah, runtiina aan wax shaqo ah ku lahayn dowladihii wadanka soo maray iyo tan hada cusuba laakiinse aad ugu dhuun daloola dhamaan wasaaradaha Dalkeena iyo Wasiiradaba, waxaa wax laga xumaado ah

1- in maalin walba wasiir ama Wasiir ku xigeen ama DG la inooga dhigo dadkii dadkeena ugu liitey ee hungurigooda uun ka shaqeeya aana garanayn shaqadooda marka laga reebo madaxweynaha xilkaas usoo magacaabay, isagana ay been ku harqiyaan iyo khiyaali aan jirin si ay kursiga maalmo usii joogaan runtuse waxay tahay

A- Wasiir walbaaba wuxuu u yimaadaa inuu wax boobo

B- Ma jiro Wasiir yaqaana shaqadiisa, Halka ay Khusayso iyo micnaha iyo muhiimada ay Dadka iyo Dalkaba u leedahay wasaarada uu joogo

C- Ma jiro Wasiir og in wasaaradiisu Dakhligeeda Samayn karto Dowlada dhexena dhaqaale buuran usoo hoyn karto, waayo maba garanayo sida uu dhaqaalahaas u samayn lahaa iyo sida uu sharci ugu leeyahay dhaqaalahaas isagoon umada wax qaali ah ka iibinayn

2- Dhamaan Wasiiradeena Arimaha Dibedu Dantooda shakhsiga ah ayay ku wataan Kursiga wasaarada Arimaha Dibeda Wuxuuna Shilkaasi La Kowsadey Wasiir Bajaaj, Wasiirkii u Horeeyey ee Arimaha Dibeda ee Madaxweyne Siilaanyo (Sababaha oo Cad Waxaan idiinkusoo Sheegayaa Qoraalada Dambe oo aynu Wasiir Walba Si Toos ah uga hadli doono ) Wararkaas oo dhamaantod Cad oon ahayn Ku Tidhi Ku Teen

3- Wasiiradii Cusbaa oo Dhamaantood isugu biyo Shubtay dad aan shaqadooda garanayn taasina ay geyeysiisey inay dib ugu yeedhaan wasiiradii ka horeeyey oo iyaguna wadooyinkoodii u Tilmaamay, Cadaymaha aanu Hayno Waxaa ugu Horeeya, Ganacsiga, Boostada iyo Isgaadhsiinta, Maalgashiga, Kaluumaysiga, Maaliyada oo aanu dhawr simbiriiraxasho ka hayno, Deegaanka, Shaqada iyo Arimaha Bulshada, iyo Arimaha Dibeda, ha ugusii Darnaadaan Liistada Wasiirada Tamarta, Boostada iyo isgaadhsiinta, Maalgashiga, Ganacsiga iyo Kaluumaysiga oo iyagu wasiiro ku xigeeno hore iyo ehel (Qaraabo) wata dano badanina qarnkan kaga baaqdeen hadana qaarkood qarka u saaran yihiin markii mudo la sugayey inay investors-kii lacagihii dib ugu celiyeenn Companiyadii lahaa Lacagta

4- Booliskeena oo ah Sharci Gubaha koowaad ee naafeeyey sharciga Somaliland, waayo Sharci Kasta oo cusub oo la sameeyo hadiiba ay khuseeyaan Dadka , waa lacag booliska usoo korodhay, oo halkii ay qofka waajibkii sharci ka gudan lahaayeen, markay arkaan inuu sharcigaas jebiyey xaalkoodu waa Zaadka Dir , Siiba Road Tax-ka, Liisamada, Baabuurta ay habeenkii Baadhaan oo Baadhasho caadi ah, waxaa arinkaa ku labeeya wasaarada Maaliyada Waaxahooda kala duwan , markaa muhiimba maaha in sharciyo cusub la sameeyo marba hadii ay lacag booliska usoo korodhay uun tahay intii horaana Khasaare dadka ugu Filan

5- Garsoorkeena oo aad u Liita, oo xaakimkii Zaad Maal yahay oo go,aan kasta oo ay soo saaraan waxaa ku jirta wada hadal halagu dhameeyo , iyagoo si cad u sheegaya in hadana hebel khaldan yahay, (Waa Lacagtu hasii korodho oo Kiisku Shan Sanoo Danbe Hasii Socdo)

6- Dowladaha Hoose oo ah Dhiigbaxa koowaad ee wadanka,

Muwaadinoow Waxaan idiin hayaa Lahaanshiiyo dhul oo Afar qof isku haystaan Hargeysa oo isku qof saxeexay lahaanshaha dhulkaas, Dacwadaasina waxay socotaa 6 (Lix Sano)

Ma Qofkii khaladkan sameeyey bay tahay in la xidho, mise dhibka dadweynahaa laga helaa, oo iyaga sharcigu ma qabto, halka ay dacwaduba kusoo afjarmi lahayd Hebeloow Afarta waraaqoodba adigaa saxeexay iyo hebel iyo hebel oo xildhibaanadaada ah, qofkeebaa sax ah oo ugu horeeyey? isagana xasaanada laga qaadi lahaa , Kharshkii dadkaa masaakiinta ah galeena looga qaadi lahaa ka dibna jeelka loo diri lahaa ayay wasiiro xitaa ku jiraan arinta oo wasiirba qof la socdaa, mid keliya oo yidhaa waar bal ninkan maxkamadaay u yeedh oo mid caqligaasiba kusoo dhacay ma jiro iska daa xal kale oo ay keenaane oo hebel haloo xukumo aan ahayn

FG: Jagooyinkaas waxaa ku jira Caruuro Agoomo ah oo aanay hooyooyinkoodna shaqayn reero danyar ahna kasoo jeeda

Akhristeyaal Waxaan dhowaan idiin soo gudbinayaa inta wasiir ee Shaqadooda laga Laaluushi jirey (Wasaaradooda) si wax loo hirgeliyo (Horumar)

Waxaan Kaloo idiin Hayaa Macluumaad Shirkado Maal gashi oo lacago laga cunay wakhtigii Dawladeenii Hore Jirtey oon ilaa hada waxbaka socon kuwii Lacagtaas cunayna iyagii wasiiro laga dhigay hadana ay hor taagan yihiin mashaariic badan oo lacag badan wadanka u samayn lahaa iyagoo Kaashanaya wasiirada cusub

Waxaan Kaloo idiin Soo wadaa Wasiirada aan shaqadooda garanayn ee wasaaradooda iska dhex fadhiya iyagoo wasaaradahaasi Malaayiin u samayn kara wadanka, aana afkooda ka hayo weli meesha lamaan qabsanoo meel aan kaga bilaaboba garan maayo

Fiiro Gaar ah, Madaxweynuhu shaqo kuma laha waxaas dhacaya e isagu waxuu u haystaa inuu xilkiisii gutey isagoo weliba jecel mashaariicdaasi inay socdaan kuwa uu ogyahay iyo kuwa aanu ogeynba laakiinse Wasiiradiisa iyo shaqaalaha qaar ka mid ah oo u shaqeeya Shirkado Ganacsi meeshana u jooga basaasnimada inay shirkado gaar loo leeyahay u basaasaan waxa dawladu ka damacsan tahay shaqooyinka iyaga khuseeya oo ganacsato u shaqeeya dowladana jagooyin muhiim ah u haya anagoo mid mid u magacaabi doona dadkaas mushaharka dowlada iyo ka shirkadaha oo dhowr ah isku qaata

Allaa Mahad Leh

La Soco Axad Kasta Maqaal xaqiiqda ka hadlaya

Axmed Seki

Sent from Outlook