Wasiir Xirsi Wuxu Inoo Sheegay Budhcad Qalimeed. By: Cabdale Sahal

Maahmaah carbeed baa tidhaahda dadkii xishoon jirey way dhamaadeen midkalena waxay tidhaahda AWLAADAL XARAAM MAKHALU XAGA LI AWLAADIL XALAAL. 

Waxan maahmaahahan carbeed u soo qaatay waxaan arkay wax iga yaabiyey oo ah dhaqan xumo qalinkii quruxda badna ee qofku is odhan jirey aar yaa qoraa ama saxafi ka dhiga oo baaldigii xashiishka lagu ridey aad BAAN uga xumahay waxaan se hadana isku qanciya burburka ku dhacay qowmiyadi afsomaliga ku hadli jirtey oo aan meelina u badqabin.

984209_1660956677463391_9085679726724845142_n

waxaan arkay askari fermesi haysta oo isagu prescription samaynaya shaahid BAAN u aha waxan kalo arkay suuxiye markiisi hore tuulo joog aha waxa se ka sii daran surgery calooshii dadka dibada soo dhigaya oo aan school caafimaad arag oo weliba leh dadkii saxeexa haddu dhinto qofkaasu in aan lay raacayn waa nin buka 100 u tali oo ay saxeexayaan dabeedna xabaalo agtiisa ah lageynayo (subxaanalah)

hadan u soo dhaadhaco gundhiga qoraalkaygan mareegaha iyo jaraa’idka dalka ka soo baxa waxa lagu qoro wuxuun bay noqonayaan been laga xishooda la arki jirey maanta indhahaagoo 5 ah baa laga iibin.

wasiir Xirsi wuxuu sheegay inay soo baxeen koox dayday qalin ah taasi waa waadix yaa shams.

eraygan dayday waxaa carrabka aad loogu hayn jirey waqtigii halganka hubaysan lagu jirey oo dadka qaar hyskaba tiro yaraadaane magacyo badan kula baxeen dhuljiif fadhato dayday halgankii hubeysana haddu dhamaaday halgankii dhiska bilaabmay waa khasab in qoladii magacyada badnayd soo rogaal celiyaan la yaabna male waayo qofba meel buu ka bartay nolosha Ibn ADAMmar walba waa 2 qaybood mid meel wanaagsan jooga iyo mid meel xun jooga kan warka beenta ama isku dirka qoraya waa mid ka soo horjeeda in dalkani meeshu higsanayo gaadho balse wuxuu ilowsan yahay in markii horeba ee qoriga lagu halgamayey ee isaga iyo saaxiibadii ka soo horjeedeen laga guulaystey maantana laga guulaysanayo mareegaha iyo ashkaasta magacyda kula baxay daydaynimada dhuljiifka iyo fadhataysiga haloogu dhaarto in dalkan iyo dadkiisu guulaysanayaan waqti aan fogeyn tolow beri maxay yeeli ALLA dhowa goortu wac odhanaya.

mahadsanidin,

Cabdalle Sahal.

Email: abdalla_farah@hotmail.com

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Fekrada Iyo Qaabka Fahan Ee Qoraalkan Waxaa Iska Leh Qoraaga Ku Saxeexan, Kasbashadiisa Iyo Ka Booditaankiisuna Wuxuu Gaar U Yahay Isla Qoraaga. Marnaba Kama Masuul aha Shabakadda Somalilandtoday.com Balse waxay Shabakaddu Diyaar u Tahay Is Dhaafsiga Rayiga Gacal Wadaaga Ah……..