Wasiir Xirsi Halyey Sida Cadceeda Uga Soo Dhexbaxay Siyaasiyiinta Somaliland.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ah masuul dhalinyaro ah islamarkaana leh karti shaqo wanaag, waa masuul ilaahay ku manaystay diin, Dadnimo, Daacadnimo, Xilkasnimo, Garasho iyo Aqoon Dheer, Wasiir xirsi waa nin diin leh oo ay ka muuqato haybada wadaadnimo waana siyaasi qaranigan usoo baxay Somaliland, mudo ku siman 5 sano uu hayey xilka Wasiirka Madaxtooyada wuxuu qabtay wax aad u badan oo shacabkuna bogaadiyeen.

hirsi111

Halkarnimada Wasiir xirsi waxay siyaasyiin badan dhaxal siisay inay ka masayraan kartida iyo awooda alle ku galaday kuwaasoo cay had iyo jeer usoo mariya warbaahinta kuna dhaliisha waxyaabo aan jirin, wasiir xirsi ayaa marka saxaafada la hadlaayo had iyo jeer jawaabta uu siiyo kuwa mucaaridkaa ayey sida fiinta uga qeyliyaan oo u adkaysan waayaan iyadoo ku noqota laf dhuun gashay taasian waxaa sabab u ah Aftahanimada kartida ay ku dheehan daacadnimadu.
Dhawaan wasiir xirsi wuxuu ka hadlay munaasibad ceelmo saar caaqil cusuba oo lagu qabtay Magaalada burco, wuxuu halkaasi kasoo jeediyey hadal inta badan ay dhibsadeen dhegaha mucaaridka isagoo soo bandhigay in wadadii ceerigaabo 150KM dhismaheedii dhamaaday halka inta hadhayna aan daamurkeedii 1 foosto ka maqnayn, hadalkaasi wuxuu ka farxiyey kumaan ka mida shacabka reer Somaliland sidoo kalena wuxuu ka nixiyey kuwa wax magaratada ah ee ka xun horumarka kana gubta guusha shacabka iyo dawlada, sidoo kale Wasiirku wuxuu hadalkiisa ku sheegay inay mucaaridku micaan sadaan cay iyo afxumo arintaasoo ku cusub saaxada siyaasada islamarkaana ay badhi taaraan qabyaalada wuxuuna shacabka ugu baabay inaan damiirkooda iyo garaadkooda la caayin isagoo sidoo kalena mucaaridka cidii doonaysa kursiga ugu baaqay miidaanka tartanka.
Hadalkaasi bilow ilaa dhamaad wuxuu ahaa mid si weyn loogu qiryaaqay shacabkuna ku farxeen sidoo kale ay ka gubteen kuwa danaysta yaasha kaarkaa, xirsi waxaa lagu tiriyaa inuu yahay haldoorka siyaadada mustaqbalka iyagadoo dadku inta badan carabka ku haya inay u dooran doonaan Madaxweynaha Mustaqbal .
Muniira Barkhad
Birmingham
muniirabarkhad@gmail.com