Wasiir Warancadde Oo Ka Jawaabay Eedaymihii Ka Soo Yeedhay Taliyaha Laanta Socdaalka Somalia

Muqdisho (Somalilandtoday)- Taliyaha Laanta Socdaalka dalka Somalia Jeneraal Cabdillaahi Gaafow Maxamuud ayaa ku dooday inuu hayo warqad codsi ah oo uu wasiirka arrimaha gudaha Somaliland u soo diray taasoo uu kaga codsanayo in dawladda Somalia ay xafiis dhinaca socdaalka ah Hargeysa ka furato maadaama sida uu sheegay uu shacabka Somaliland baahi u qabo qaadaashada baasaaboorka Somalia. General Gaafaw oo shir jaraa’id qabtay ayaa soo bandhigay warqad ay ku muujisan yihiin saxeexa wasiir warancadde iyo shaambadda wasaaradda arrimaha gudaha, isagoo akhriyey warqadda uu sheegay inay uga timi warancadde ayaa waxaa uu yidhi:

 

gaafaw

“Markii aan arkay codiga uu soo qortay xafiiska Safari Travel Agency, markaan arkay baahida shacabka Somaliland, markaan arkay inuu shacabku helo baasaboor soomaaliyeed, markaan arkay in xafiiska codsiga so qoray uu qaban karo hawsha waxaan idinka codsanayaa inaad noo ogolaataan furitaanka xafiiska socdaalka iyo jinsiyadda soomaaliyeed inkasta oo ay jiraan kala duwanaansho siyaasadeed hadana shacabku kama maarmi karo helitaanka baasaaboorka soomaaliyeed Cali Warancadde isagoo sidaas qoraaya ma fiicna inuu dadka aflagaadeeyo. Somaliland horumar ayay gaadhay waxbay samaystay anagu horumarka ay gaadhay inaanu ku faraxno mooyaane lagama yaabo inaanu ka yaq-yaqsoono ama waanu ka faana aanu dhahno waa walaalaheen” ayuu yidhi Jeneraal Gaafaw.  Hoos ka eeg Warqadda uu Jeneral Gaafaw soo bandhigay

Hase yeeshee Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa isagoo ku sugan magaalada Burco ka jawaabay hadalkan ka soo yeedhay taliyaha laanta socdaalka ee Somalia, waxaana uu arrinkasi ku tilmaamay been iyo dacaayad raqiis ah isagoo ku dooday inay Somaliland leedahay baasaaboor ka sharaf badan kan Somalia, waxaana uu yidhi “Arrintaasi waa been raqiis ah oo la abuuray waxaanu leenahay Passaport Somaliland ah kaas ayaanu ku socdaalnaa oo meel walba ku tagnaa dadkayaguna baasaabooro kale oo badan oo adduunyada lagu tago ayay haystaan kaayaga ayaaba haddii labada la eego sharaf badan oo meelaha qaarkood markii aad eegto Yurub iyo Ameerika baasaaboorka Somaliland iyo ka Somalia kan Somaliland ayaa ku sharaf badan haddii ay u baahan yihiin way na waydiisan karaan laakiin anagu uma baahnin waa dacaayado raqiis ah oo uu sameeyey ninka horjoogaha ka ah maamulka Xamar” Wasiir Warancadde oo sii adkaynaya beeninta wararkasi ayaa waxa uu yidhi:

“Anigu waxaan ka mid ahaa markii aan Somalia joogay macalimiintii waaweynayd ee dhinaca mukhaabaraadka ee wax bartay ardayda iminka u joogta Somalia markaa waxaan filayaa in warqadaas ay dhab-dhabeen ardaydii aanu kaga nimid meesha oo six un loo tababaray (muqdisho) ayaan filayaa inay farsameeyeeyn laakiin mid xageena ka timi maaha”.