Wasiir Kuxigeenkii Hore Ee Amniga Iyo Boodhi Gaadhkiisi Oo La Xukumay.

(SLT-Hargaysa)-Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Ayaa maanta Xukun Sadex Sanno ah ku riday Wasiir ku xigeenkii hore ee amniga Cabdilaahi abokor oo ku dhawaad laba bilood ku xidhnaa xasbiga Hargaysa.

c

 

Waxa sidoo kale Halk Sano isna lagu xukumay Boodhi gaadhkiisi oo layidhaa Saleebaan Cumar Guuleed.

Fadhiga Maanta ee Maxkamada ayaa ahaa mid aan loo ogoleyn Warbaahinta  ayaa amniga aad loo adkeyay iyadoo Maxkamada ay ku wareegsanyeen Ciidaamo boolis ah nooca loo yaqaan  RR-da , waxaan gabi ahaan Xidhnaa Waddooyinka soo Galla maxkamada Hargeysa.

Garyqaanka udoodayay Cabdilaahi Abokor aya xukunkaasi ku tilmaamay mid cadaalad darro ah waxaana uu sheegay inay rafcaan ka qaateen.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com