Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Farmaajo Oo Is-casishay. Maxay Ku Sababaysay?

(SLT-Muqdisho)-Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta sheegtay in ay iska casishay xilkii wasiirnimada ee ay ka haysay golaha wasiiradda.

Wasiir Maryan ayaa is casilaadeeda ku baahisay barta ay ku leedahay Twitter-ka, balse wali xafiiska Ra’isulwasaaraha wax hadal ah kama uusan soo saarin arrintaas.

 

Wasiiradda oo la hadashay taleefishinka Goobjoog ee fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixisay sababta ay isu casishay, waxayna tiri “Waxaan rabaa in aan idiin xaqiijiyo in aan iska casilay xilkii wasiirnimada, aniga oo illaahay uga baryaaya xukuumada in booskeyga qof aniga iga wanaagsan uu u buuxiyo , hadda waxaan uga tagay xilkii aan hayay , waxaa igu adkaatay duruufta shaqo, wasaarad sida looga shaqeeyo ayaan aqaanaa, laakiin shaqada marka ay is barbar yaac tahay, wax walbo isku qasanyihiin , waxbo kala baxsanayn, wareer badan ayaa laga qaadayaa,”.

Maryan Qaasim ayaa intaas ku dartay in aysan xukuumadda mucaarad ku ahayn, iyada oo sheegtay in ay go’aansatay in ay siyaasadda faraha kala baxdo, bulshadana ugu adeegto sidii kale oo suurtogal ah.

Waa wasiirkii labaad ee xilka iska casila muddo 2 bilood gudahood ah, waxaana horay isu casilay wasiirkii gaashaandhigga kaas oo aan illaa hadda booskiisa la buuxinin.