Wasiir Hore Oo Xaal Ka Siiyay Faysal Cali Waraabe Hadalkii Cayda Aha Ee Xildhibaan Balaaki.

(SLT-Hargaysa)Wasiirkii hore ee warashadaha Shucayb Maxamed Muuse ayaa raalli-gelin ka bixiyey hadal dhawaan uu Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki ku weeraray guddooiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, kaasoo uu ku sheegay nin siyaasadda ka sinaysta.

Ex Wasiir Shucayb Maxamed Muuse oo waramaayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inuu Faysal Cali Waraabe yahay oday qaran oo reer Somaliland oo dhani markhaati ka yihiin,isla markaasna uu xaal ka bixinayo hadalka ka soo yeedhay Xildhibaan Balaaki maadaama uu xildhibaankiisii yahay, isku deegaana ay yihiin, Shucayb oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi:

“Faysal waxaan u aamisanahay oday Somalilander ah, markaa runtii dhaliili way iman kartaa laakiin shaqsi weerarka anigu ma qabo, qofka in diintiisa iyo karaamadiisa wax la yeelo diinteena ayaa inaga xaaraantinimeeyey. Waa run xildhibaanku (Balaaki) waa xildhibaankaygii waxaanan leeyahay guddoomiye Faysal Cali Waraabe raalli aha woo xaalqaado”.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office