Burco: Wasiir Cukuse Oo Furey FM Kordhineysa Maqalka Idaacadda Radio

(SLT-Burco) – Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa caawa xadhiga ka jaray baahinta FM-ta Idaacadda Radio-Hargeysa oo la gaadhsiiyay Magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyay furitaanka baahintaas FM-ta Radio-Hargeysa oo lagu qabtay guriga madaxtooyada ee magaaladda Burco, waxa ka soo qeyb galay maamulka gobolka, ka degmada, waxgarad iyo marti sharaf kala duwan.

Wasiirka Warfaafinta oo xafladaasi ka hadlay ayaa  ka waramay ahmiyadda ay  Fm-ta  Radio Hargeysa ee laga furay u leedahay dadweynaha gobolka Togdheer. Waxaanu sheegay inay idaacaddani faa’iido badan u leedahay shacabka Burco iyo ka gobolkaba oo aan hore u haysan idaacad uga waranto dalkooda hooyo, marka laga yimaaddo idaacadaha BBC-da, VOA iyo telefiishannada oo si aan isku dheeli-tirneyn uga warama xaaladda Somaliland.

Dhinaca kale C/laahi Cukuse, ayaa jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay mucaaradka “Waxaan rabaa in aynu waxoogaa ka jawaabno hadallada dhawrka qof ee mucaaridka ahi ay sheegeen, maadaama aanu annagu xilkii qaranka hayno, waxaanu ugu jawaabi doonaa waxqabadka ay dalka ka qabatay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo intii ay taladda haysay, sida Kordhinta mushahaarooyinka ciidamada iyo shaqaalaha dawladda, derajooyinka ciidamada iyo shaqaalaha dawladda, dhismooyinka wasaaradaha iyo xafiisyada qaranka ee dalka, waddooyinka magaalooyinka gudahooda iyo kuwa dhaadheer ee qaarna la dhameeyay qaarna gacanta lagu hayo,  waxaa dhamaaday waddooyinka  isku xidha gobollada iyo degmooyinka dalka qaarkood” ayuu yidhi C/laahi Cukuse.

Fm-ta laga furey Magaalada Burco, ayaa loogu talo-galay inay kordhiso awoodda maqal ee Idaacadda Radio Hargeysa ee caasimadda taalla, taasi oo si caadiya u gaadha gobolllada dalka, laakiin meelaha qaarkood oo Burco ka mid tahay aad naaqus u ah.

Fm-ta ayaan baahin doonin wax kale, laakiin waxay ku xidhan tahay idaacadda Radio Hargeysa ee xarunta guud taalla.

109_9787 109_9789 109_9790 109_9795 109_9796 109_9799 109_9801 109_9807 109_9811 109_9812 109_9816 109_9818 109_9825 109_9827 109_9832

Somalilandtoday.com/Burc/ Office

Contact@Somalilandtoday.com