Wasaaradii Dib-udajinta Oo La Baabiiyay Loona Badalay Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka. +Xinif Oo Loo Magacaabay

(SLT-Hargaysa) Wasaaradii Dibu Dajinta oo mudooyinkii u danbeeyay saxaafaddu soo bandhigaysay in aan meelna lagu darin, isla markaana uu shaqadii Wasaarada sii waday Wasiirkii Xilligii Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo, kaas oo aha Cali Siciid Raygal ayaa Dikreeto uu maanta soo saaray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu masuuliyadii Wasaarada Dibudajinta ugu badalay hay’ad madaxbanaan isagoo ka dhigay  Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Waxaana loo magacaabay xilka hay’adaas Cabdikariin   Axmed Maxamed Faarax, oo noqon doona Guddoomiyaha  Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, sida lagu Sheegay War-saxafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada.

Somalilamdtoday/Hargaysa/Office