Somaliland Oo Soo Bandhigtay Saddex Buug Oo Aqoonyahan Reer Somaliland Ahi Qoreen Oo Ka Hadlaaya Taariikhda Faca Weyn Ee Somaliland Iyo Xaqa Dalnimo Inay Shuruucda Caalamka Buuxisay

Hargeysa (Somalilandtoday)-Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo bandhigtay 3 Buug ay qoreen Aqoonyahan reer Somaliland ah kana hadlaaya Taariikhda Faca weyn ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaqa dal ahaaneed ay u leedahay inay qaran jira oo dunida ka mid ah noqoto.


Madal Shalay Huteel Maansoor ee Caasimadda Hargeysa lagu qabtay, ayaa Wasaaradda Arimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, ku daahfurtay 3 Buug ay qoreen rag Aqoonayahan u dhashay Somaliland kuwaasi oo magacyadoodu kala yihiin md Cabdiqani Axmed Xasan Goole, Aqoonyahan Jaamac Muuse Jaamac iyo Garyaqaan Axmed Muuse, kuwaas oo qaray Saddex Buug oo Taariikhda Somaliland ee faca weyn iyo Sharciyadda caalamka u taala ee dalka cusub qaran loogu aqoonsan karo inay buuxiso ay ka hadlayaan Buugaagtani, waxaana ka soo qaybgalay munaasibadan wasaaradda arimaha dibaddu soo agaasintay ee Buugagta lagu soo bandhigay masuuliyiin ay ka mid yihin Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibadda Somaliland Kaysar Cabdilaahi Maxamed iyo Madaxda, Hay’addaha kale ee ay xidhiidhka wada shaqayneed la leeyihiin wasaaraddaasi iyo masuuliyiin kale oo qaranka Somaliland xilalka haya.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arimaha Guddaha Somaliland md Cabdiraxmaan Abdeeq Muxumed oo ugu horeyn ka hadlay Saddexda Buug ee Wasaaraddoodo soo bandhigtay iyo marxaladihii kala duwanaa ee diyaarintooda loo soo maray waxa uu yidhi “Xafladdani sida ku qoran warqadda ah Saddexda Buug in la soo bandhigo maanta ta macnaheedu waxa weeyaan uun in Dukumenti looga tago Somaliland iyo wasaaraddaba oo waxeenu aanu noqon uun wax afka layska yidhaahdo balse uu noqdo wax la tixraaco wax layska dhaxlo iyo wax marka aynu ka tagno Jiilba jiilka ka dambeeya uu sii akhriyo oo laysku sii gudbiyio , runtii waxa aad u mahadsan cid kasta oo ka qayb qaadatay soo diyaarinta saddexdan Buug ee qoraalkooda tacabka gelisay ee hawshooda qabatay wakhtigoodana u huray”.

Agaasimaha Waaxda Siyaasadda ee wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland md Cabdiqani Axmed Xasan Goole oo isagu soo Bandhigay Buuga Gabood faladda ka dhanka ah Xuquuqda Aadamaha ee Sodonkii Sanno ee Somaliland ka tirsaneyd Somalia oo tafaasiil ka bixiyey Buugan uu qoray ee qaranka faa’iidadda u leh waxa uu yidhi “Buugan oo magaciisa la yidhaahdo (The Humaniterian Case) Buugani wuxu ka hadlayaa 30-kii Sanno ee Somalia aynu isku midka ahayn oo ah laga soo bilaabo 1960-gii ilaa 1991-kii ayuu buugani xambaarsan yahay, waxa uu diiradda saarayaa dabcan xaaladii Siyaasaddeed tii arimaha bulshadda dhaqaale ee dadka Somaliland ay kala kulmeen midawgii guul daraystay ee Koonfurta Somalia iyo dhibaatooyinkii tacadiyaddii iyo gabood faladii ay dadka reer Somaliland kala kulmeen ee ka dhanka ahaa xuquuqda Aadamaha ayuu buugan nuxurkiisu yahay”.

Aqoonyahan Jaamac Muuse Jaamac oo soo bandhigay Buug ka hadlaaya Taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu isagu qoray oo halka ka hadlay waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Buugani wuxu ka hadlayaa in la sheego taariikhdii aynu kaligeen lahayn iyo in la sheego taariikh aynu lahayn, laakiin aynu la lahayn Somalia iyo inay jirto taariikhda u dambaysa oo ah inay jirto Taariikhda mid aynu kaligeen leenahay, marka saddexda waji ee Taariikhda Somaliland leedahay ayuu ka hadlayaa oo ina barayaa inana gaynayaa Buugani oo ka hadlayaa”.

Garyaqaan Axmed Muuse oo Aqoonyahan dayar ah oo isaguna qoray Buug nuxurkiisu yahay Sharcinimadda qaranka Somaliland iyo Sharciyadda kale ee Dunidda u yaala oo isaguna halka ka hadlay waxa uu yidhi “Buugani wuxu ka hadlayaa qadiyadda sharcinimo ee jiritaanka Somaliland marka waxa uu eegayaa meelo kala duwan oo ay ku jiraan shuruucda caalamiga ah, iyo dhacdooyin si toosa u cadaynaya ama u waadixinaaya in qarankani Somaliland uu yahay qaran sharciyaddii caalamiga ahayd ee looga baahna in uu dal jira oo madaxbanaan noqdo dhamaystiray”
Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo ugu dambeyntii madashaasi Saddexda Muwaadin ee aqoonyahanka reer Somaliland Buugaagta ay qoreen ee taariikhda qaranka Somaliland iyo garnaqsiga inay Somaliland tahay dal jira ay ka qoreen lagu soo bandhigay waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Siyaasadda dibaddu waxay ku fadhidaa afar tiir ama afar danood, xaga danaha marka laga eego midi waxa weeye Tiirka SIyaasadda waa mawqaf siyaasaddeed oo la qaato oo marka cid lagu qanciyo am acid lagu taageero, midina waa Tiirka dhaqaalaha, waa sidii loo kobcinlahaa xidhiidhka dhaqaale ee ka dhexeeya waddan iyo caalamka intiisa kale amaba sidii caalamka intiisa kale looga helilahaa Maalgelin , tiirka saddexaadna waa ka la xidhiidha nabadgelyadda iyo jiritaanka qaranimo ilaalintiisa amniga , tiirka afraadna waa Iskaashiga ka dhexeeya hay’addaha iyo wasaaraddaha xubnaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ee waddamada marka waa afarta qaybood”.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday.