Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo Xaqiijisay In Itoobiya Walaac Ka Qabto Amniga Doorashada Somaliland Ka Dhici Doonta Bisha Danbe.

Hargeysa (Somalilandtoday)-Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa ka hadashay martiqaad ay saddexda xisbi qaran ay la yeesheen rasyal wasaaraha Itoobiya Hailamarian Desalem oo si gooni gooni ah ula kulmo madaxda xisbiyada Somaliland.
Dr Sacad Cali Shire, wasiirka arimahadda ayaa xaqiijiyey inay ka warqabaan kulamada dhexmaray axsaabta iyo raysal wasaaraha Itoobiya waxaana uu sheegay in laga wadahadalay sidii loo ilaalin nabadgalayda inta doorashada lagu jiro isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay in caalamku walaac ka qabo in doorashada Somaliland amni ku dhacdo taasina ay keentay in inta badan caalamku arrintan kala hadlaan, waxaana wasiirka hadalkiisa ka mid ahaa:


“Haa, waanu la soconay waxaana laga wadahadlayay arrimo la xidhiidha doorashooyinka, nabadda iyo guud ahaan cilaaqaadka labada dal, wax cusubna maaha wufuud ka socota caalamku maalin walba way noo yimaadaan intaasna way nagala hadlaan waayo doorashada iyo natiijadeedu iyo nabadgalyadeenu inagoo kali ah inama saamaysay dad badan bay saamaysaa”.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday