Wasaarada Waxbarashada Oo Ku Dhawaaqday Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada Sare Iyo Dhexe Iyo Ardayda Kaalmaha Hore Gashay.

(SLT.Hargeysa-  Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay  natiijada imtixaankii  shahaadiga ah ee fasalka 4-aad ee dugsiyada sare iyo fasalka 8-aad  ee dugsiyada dhexe.

Wasiirka waxbarashada Samsam Cabdi Aadan  oo maanta shir jaraa’id ku qabatay  xarunta Manaahiijda  ee Magaalada Hargeysa , ayaa sheegtay  in sannadkan   ay imtixaanka   dugsiyada sare ka qaybgaleen  shan kun,siddeed boqol    iyo 42 arday ,kuwaasoo ka socday 63 dugsi oo dalka oo dhan ah , waxa imtixaankii gudbay  5,647 arday, halka dugsiyada  dhexe  waxa ka qaybgalay kow iyo toban kun, lix boqol  iyo 26 arday , waxa gudbay  toban kun , lix iyo 69 arday, waxa dhacay shan boqol iyo 31 arday,kuwaasoo ka socday  218 dugsi.

Intaa ka dib waxa ay ku dhawaaqday magacyada ardaydii kaalmaha hore ka galay imtixaanka.

Magacyada tobanka arday ee ugu sareeya dugsiyada dhexe :

1- Mustafe Ismaaciil Cismaan  / Nuuradiin/ Maroodi-jeex.

2-  Cabdikariim / Sheekh Ibraahim /Togdheer.

3-  Sakariye Axmed Siciid Cige /Irshaad  /Maroodi-jeex.

4-  Farxaan Jaamac Bullaale /Al-Khayr/ Marood-jeex.

5-  Yaasiin Cabdilaahi Caydiid Yuusuf/Sheekh Ibraahim/Togdheer.

6- Cabdiraxmaan Xasan Saleebaan Bille / 21 November/Togdheer.

7- Mawliid Axmed Barre Guulleed / New Gabiley/ Gabiley.

8-Cabdiraxmaan Cismaan Maxamed Samaalle/ Oday X Maxamed  Siraad/Saaxil.

9-  Cabdifataax Maxamed Xasan Nuux-yar/Sheekh Ibraahim /Hargeysa.

10- Xasan Ibraahim Bulshaale/ Smart /Togdheer.

 

Tobanka Arday ee ugu sareeyay dugsiyada sare.

1-        Maxamuud Muuse Cali Cige /Nuuradiin/Maroodi-jeex.

2-      Xamse Faarax Cabdilaahi Cabdi /Nuuradiin/Marood-jeex.

3-       Muuse Axmed Caynaanshe Odowaa / SOS /Saaxil.

4-      Cabdifataax Axmed Sarhaye/ Nuuradiin/Marood-jeex.

5-      Cabdiraxmaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf/ SOS/Saaxil.

6-     Cabdiwahaab Maxamed Cabdiraxmaan Yuusuf/ SOS/Saaxil.

7-      Axmed Xirsi Cismaan /SOS/Saaxil.

8-      Maxamed Sugule Cabdi /Abu-hurayra- /Marood-jeex .

9-     Salma Xasan Ducaale/Ilays/Marood-jeex.

10-   Yaxye Rashiid Cumar Faarax/Nuuradiin/Marood-jeex.

 Somalilandtoday.com/Hargeysa Office.

contact@somalinadtoday.com