Warqaddii Uu Ex Wasiir Cali Mareexaan Ku Iibiyey Suuqa Injida Burco Oo La Helay

Hargeysa (Somalilandtoday) Ex Wasiir Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) oo ahaa wasiirkii hawlaha guud iyo guriyeynta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa waxa soo ifbaxaday fadeexad musuq-maasuq dhul ah oo ku kacay wasiirkaasi,.

Mudadii lagu gudo jiray olalaha doorashooyinka iyo intii ka horraysay ayaa ay soo baxayeen dhulal uu ex wasiir Cali Mareexaan si kala gaar gaar ah ugu wareejinayay dad gaar  ah, waxaana aanu wakhti hore iftimiinay in wasiir Cali Mareexaan iibiyey suuqii Injida Burco.

Hadaba warbaahinta qaar ka mid ah ayaa ugu dambayn helay warqaddii wasiirku wakhtigaa ku hibeeyey bakhaarrada suuqa Injida ee Burco.

War-qadan oo ay war-baahintu heshay waxa ku saxeexan Ex Wasiir Cali Mareexaan, waxaanay tahay ujeedada ay xanbaarsantahay bixinta Bakhaarada Dawlada ee Injida Burco, kuwaas oo lagu siiyey shaqsiyaad gaar ah.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday