Wariyeyaal Lagu Xidhay Magaalada Ceerigaabo.

(SLT-Ceerigaabo)-Boliiska Magaalada Ceerigaabo ayaa Goordhoweyd Oo duhurnimadii ahayd waxay suuqa ka qabteen labada weriye oo kala ah Maxamed Yuusuf Bakayle iyo Barkhadle Maxamuud Geeddi oo ka kala hawlgala warbaahinta (Royal TV iyo Kalsan TV) Waxana labadan weriye lagu xidhay Saldhigga boliiska Daallo ee magaalada Ceerigaabo oo ay waqtigan ku xidhan yihiin.

Xadhiga-Weriyayaasha-Barkhadle-Iyo-Bakayle

 

Taliyaha L/Baadhista Denbiyada oo aannu kula kulannay saldhigga boliiska labadan weriye ku xidhan yihiin oo aannu weydiinney sababta xadhigga weriyayaashan ayaa hadalkiisa kusoo koobay in ay labadan weriye baadhis u xidhan yihiin oo cidi kazoo dacwootey.

Sababta Loo Aanaynayo Xadhiga Labada Weriye

Labadan weriye ayaa u xidhan war ra’yi ururin ah oo maalintii shalayto ay ka qabteen bulshada Ceerigaabo qaarkood kana sii daayeen warbaahinta ay ka hawlgalaan taasoo bulshadu kaga hadleen waxqabadka golaha degaanka Ceerigaabo oo ay dhalliilo usoo jeedinayaan.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com