Warbixin Muujisay In Somaliland Tusaale UTahay Qaabka Dawladuhu Uga Bixi Karaan Burburka ku Habsada

(SLT-Hargaysa)-Warbixin caalami ah oo dhowaan la soo saaray, ayaa lagu muujiyey in dalka Jamhuuriyadda Somaliland yahay mid tusaale iyo cashar u noqon kara qaabka dawladaha fashilmaa uga bixi karaan burburka iyagoon wax taageero ah ka helin beesha adduunka.

Warbixintan oo ah falanqayn uu diyaariyey khabiir lagu magacaabo Greg Mills, ahna guddoomiyaha mac-had  la yidhaa  Brenthurst  Foundation, xaruntiisuna tahay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, isla markaana ciwaan looga dhigay sababta dalalku u fashilmaan iyo siday uga kabtaan burburka (Why States Fail And How States Recover), laguna baahiyey qaar ka mid ah saxaafadda adduunka bishan October, waxa lagu sheegay in dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya tusaale u noqon karaan wadammada burbura iyo kuwa burburka ka baxa.

 

tilmaanta-Somaliland

 

“Farqiqa u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya waa la-haanshaha nabadda (peace owned) iyo raadinta nabad kiro ah (rent-seeking peace), markaa dedaalka muwaaddiniintu sameeyaan waa astaan ka mid ah shuruudaha looga baahan yahay in dalal kaga kabtaan amma kaga baxaan burburka.

Soomaaliya iyo Somaliland oo ku yaal mandaqadda Gobolka Geeska Afrika waxay astaan amma tusaale cad u yihiin dalalka fashilma iyo kuwa fashilka ka baxa ee dib u dhisma. Somaliland waxa ay madaxbannaani ka qaadatay Soomaaliya 18 May 1991, kadib markii ay magaalada Burco ku qabsadeen shir muddo lix toddobaad ah socday. Shirka Burco (1991-kii) iyo shirkii kale ee Boorama (1993-kii) waxay ahaayeen shirar ay maamulayaan oo ay maalgeliyeen dadka degaanka u dhashay, iyagoo ku filnaanayn inay raashinka iyo hoygaba bixiyaan muddada shirarku socdeen oo qaatay muddo toddobaadyo ah, mararka qaarna bilo socday, wax gacan iyo taageero ahna kamay helin caalamka,” ayuu khibiirku ku yidhi warbixintiisa oo Jamhuuriya qayb ka mid ah soo qaatay.

Sida warbixinta lagu sheegay Wasiirkii hore ee Ganacsiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa tilmaamay in dhismaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xasilloonidiisaba gunta hoose laga soo dhisay, dadka degaankuna kelidood hawshaas fuliyeen.

“Hawshaas iyo dedaalkaasi waxa uu ahaa mid xagga hoose laga soo bilaabay dhismaha dalka, laakiin ma ahayn mid laga soo bilaabay dusha sare (bottom-up, not top-down), taasina waa sida Somaliland lagu dhisay,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Isagoo intaa ku daray; “Laakiin Soomaaliya lama mid ah sida lagu dhisay Somaliland ee gunta hoose laga unkay. Dawladnimada Soomaaliya loo doonayo waa mid xagga sare laga soo dhisayo oo ay dusha kaga keenayaan qaadhaan-bixiyeyaasha caalamku, kuwaasoo adeegsanaya hoggaan dibadda lagu doorto iyo shirar waddamo kale Soomaaliya loogu qabto.”

Khabiirku waxa uu sheegay in dadka reer Somaliland xoogga saareen, joogteeyeenna helista nabad buuxda, balse aanay isku hawlin, una baahan nabad kiro ah iyo hannaan wufuudda shirarkii nabadaynta laga maalgeliyo dalka dibaddiisa ee Soomaaliya loo qabtay, arrintaasoo uu xusay inay tahay mid aan loo raacin dhismaha qaranka iyo ammaanka Soomaaliya oo muddo ka badan 23 sanno noqday waddan aan jirin.

“Inkastoo Somaliland aanay haysan aqoonsi caalamiya oo caqabad ku ah horumarkooda, haddana deganaanshaha iyo xasilloonida gudaha laga dhisay ee Somaliland haysato, waxay caddayn muuqata u yihiin sida ay u xadidan yihiin amma aanay u suurtogelin in farogelin dibadeed lagu dhisi karo qaran burburay, iyadoo cidda lagama maarmaaanka ah ee hawshaas qabsan karaa yihiin muwaaddiniinta oo gudahooda wax qabsada, qaran dumayna quwado shisheeye laguma dhisi karo,” ayuu khabiirku ku yidhi warbixintiisa.

Waxa kaloo uu sheegay in aqoonsiga Somaliland ku xidhan in Muqdisho oggolaato in la noqdo laba dal oo kala madaxbannaan, laakiin reer Somaliland muujiyeen dedaal ku-dayasho mudan oo ku saabsan dhismaha nabadda iyo dawladnimada, halka xukuumadda Muqdisho tahay mid aan shaqayn karin haddii aanay haysan taageerada reer galbeedka iyo isku hallaynta ciidammada Afrikaanka ee AMISOM (a Western-supported and African-military controlled client state).

Muuqaalka burburka Muqdisho

Muuqaalka burburka Muqdisho

“La’aanta gargaarka iyo taageerada dibadda waxa reer Somaliland wax u qabsadeen si iskood ah, iyadoo dadka degaanku wax dhisteen, waxna qabsadeen, kuwaasoo aan isku hallayn in cid dibada ka socota ku lug yeelato arrimahooda, taasina waxay tahay tusaale loo soo qaadan karo dhismaha nabadda ee meelo kasta oo adduunka ah, waana cashar u baahan wax-ku-qaadasho, waxana cad in dadka ajnabiga ah amma dibadaha ka yimaad aanay helidda nabadda uga baahi badnayn dadka gudaha ku nool, balse cidda mar walba nabadda diyaarka u ah waa dadka ku nool waddanka nabaddiisa la raadinayo,” ayaa lagu yidhi warbixinta is-barbardhigga ku samaysay hannaanka dhismaha dawladnimo ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo burburka dalka Soomaaliya.

Waxa warbixinta si guud loogu falanqeeyey burburka dawladaha iyo qaabka dalalku burburkaas uga bixi karaan, iyadoo aan wax farogelin dibadeed ah lagu samayn, taasoo tusaale looga dhigay qaabka loo dhisay dawladnimada, xasilloonida, ammaanka iyo nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Source: Jamhuuriya.