War Deg-deg:- Xukuumadda Somaliland Oo Xukuntay Dad Loo Qab-qabtay Ka Ganacsiga Xayawaanka Diinka

(SLT-Hargaysa)- Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa saaka xukuunno kala duwan ku riday dad lagu soo qabqabtay iyaga oo ka ganacsanaya xayawaanka diinka dhawaan.  Dadkani xukuunnada lagu riday oo ka koobnaa sagaal qof ayaa hore wasaaradda horumarinta deegaanku Somaliland u shaacisay in ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada boolisku 9 qof, gaadiid iyo xayawaanka diinka oo la rabay in la iib geeyo. Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex oo saaka xukuunnadan ku riday eedaysanayaashan ayaa sheegtay in ay shifo sharci darro ah uga ganacsanayeen diinka.

Ugu danbeyntiina dhawaan ayey ahayd markii la sheegay in xaywaanka diinka suuq lagu iibsanayaano loo helay gaar ahaan iyada oo loo iibgeynaayo dalka Soomaaliya.

Xayawaanka Diinka ayaa inta badan laga helaa deegaanada ay degto ee Soomaalida iyada oo aanu wax dhibaato ah u geysan dadka iyo xoolaha midna.