Iska Hor-imaad Ka Dhacay Magaalada Ceel Lahelay Oo Kamid Ah Goobihii Muranka Diwaangalintu Ka Taagna.

(SLT-Hargaysa) Sida warar deg deg ahi hadda ku soo gaadheen Shabakadda Wararka ee Somalilandtoday.com, dagaal iska hor imaad ah oo u dhaxeeya Ciidamadda RRU-da iyo dadka Degaanka ayaa goor dhawayd ka bilbmay  Magaalada Ceel Lahelay oo kamid ah Lixdii goobood ee muranku ka taagna.

news

 

Iska hor imaadkan oo goor dhawayd bilaabmay Degaankaas, ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay. Magaalada Ceel Lahelay waxay Caasimadda Hargaysa dhinaca xeebta uga jirtaa 90-KM, waxayna qayb ka tahay goobihii xayirnaa ee dhawaan Xukuumaddu sheegtay in laga qaban doono Diwaangalinta codbixiyaasha, iyadoo dadka laga diwaangaliyana ay ka codayn doonaan doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo kaliya.

Go’aanka Xukuumadda oo ay si weyn uga hor yimadeen dadka ku dhaqan Degaanadaasi  ayaa loo aanaynayaa inuu dhaliyay iska hor imaadkan hadda laga soo sheegaayo Magaaladda Ceel Lahelay. Ilaa hadda Xukuumaddu kamay hadal wixii ka soo kordha kala soco Shabakadda Wararka ee Somalilandtoday.com

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

contact@somalilandtoday.com