War Deg Deg Ah: DAAWO: Xildhibaan Axmed Madar Oo Golaha Wakiilada Ka Tirsan Ayaa Goordhawayd Iska Casilay Xisbiga KULMIYE Kuna Biiray Xisbiga WADDANI. Sababta Iscasiladiisa Oo Uu Ku Sheegay Afduubka Xukuumadda Ee Golaha Wakiilada

(SLT-Hargaysa) Xildhibaan Cabdillaahi Axmed Yuusuf (Axmed Madar) oo katirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa goor dhawayd shaaciyay inuu gabi ahaanba ka baxay Xisbiga KULMIYE oo uu ka tirsana isagoo sheegay inuu ku biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

Xildhibaan Axmed Madar oo kamid ah Xildhibaanada aqoonyahanka ah ee Golaha Wakiilada lagana soo doorto Gobolka Awdal wuxuu iscasiladiisa inay keentay ku sheegay afduubka iyo shirqool up sheegay inay Xukuumaddu ku samaysay Golihii Wakiilada. Hadalkii Xildhibaan Axmed Madar oo dhammaystiran Hoos ka DAAWO.