Midowga Afrika Oo Sheegay In Aanay Dalka Somaaliya Keenayn Ciidamo Ka Socda Sierra Leone Xanuunka Ebola Awgeed

 (SLT-Muqdisho) –  Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom ahna Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, Amb. Maman S. Sidikou,

ayaa cadeeyay inay  xilligaan dalkaSomaliya  iman doonin ciidan cusub oo ka socdo dalka Sierra Leone.

Peacekeepers from Burundi disembark at the airport in MogadishuPeacekeepers from Burundi disembark at the airport in Mogadishu

Waxay tani ka dambeysay markii guuto ciidan ah oo loo diyaariyay in la keeno Somaliya mid ka mid ah laga helay cudurka Ebola, taasina ay walaac iyo baqdin badanba ku dhalisay shacabka Somaliyeed.

Bayaan uu soo saaray Amb. Maman S. Sidikou, ayaa wuxuu ku xaqiijiyay inay ka taxadarayaan in cudurka Ebola la soo gaadhsiiyo dalka Somaliya.

“Waxaan rabnaa inaan u xaqiijino shacabka Soomaaliyeed iyo Calaamkaba in Amisom qaadatay tallaabooyin lagu xaqiijinayo inaanu Soomaaliya soo gaadhin cudurka halista ah ee Ebola.” ayuu yidhi Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya.

“Waxaan hakinay ciidamo dalka Sierra Leone ka imaan lahaa oo bishii July ee sanadkan bedeli lahaa kuwii horey halkaan u joogay.” ayuu markale yidhi.

“Waxaana ka dhur suggi doonaa xaaladu sida ay noqoto, taasi waa qorshaha aynu ku doonayno in aanu ku badbaadinno shacabka Soomaaliyeed. Guutadii la bedeli lahaa ayaana sii shaqeyneysa.” ayuu sii raaciyay.

Somalilandtoday/muqdisho /Office

Contact@somalilandtoday.com