Waftigii Uu Hoggaaminaayay Madaxweynaha Somaliland Oo Gaadhay London Oo Siweyna Loogu Soo Dhaweeyay.+Sawiro



(SLT-London)Weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud ayaa saaka kasoo degay gegida dayuuradaha caalamiga ee Heathrow Airport.  Weftigan oo kasoo kicitimay dalkii si ay ugu qayb galaan shirka ganacsiga caalamiga ee bisha 14keeda ka dhacaya magaalda London ayaa waxaa ka mid ahaa;

SONY DSCSONY DSCSONY DSCSONY DSC

  • Marwada 1aad ee qaranka Somaliland – Marwo Aamin Maxamuud Jirde

  • Wasiirka Arimah Dibedda Md  Maxamed Biixi Yoonis

  • Wasiirka Madaxtooyada Md Xirsi Cali X.Xasan

  • Wasiirka Beeraha  Prof. Faarax Cilmi Maxamuud

  • Wasiirka biyaha Md Xuseen Axmed Cabdille

SONY DSCSONY DSCSONY DSCSONY DSCSONY DSC

Waxaa sidoo kale iyana la filayaa inay weftiga kusoo biiraan wasiirka qorshaynta iyo wasiirka macdanta.  Weftiga waxaa kusoo dhaweeyay garoonksa dayuuradaha ee Heathroow, madaxda tv-ga qaranka, safiirka Somaliland , Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Uk, maasuuliyiin kale iyo dad badan oo ka mid ah jaaliyadda Somalinland ee degen dalkan UK.

Somalilandtoday/London/Office.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigo doonaa fursadaha iyo khayraadka dalka Somaliland si maalgashi caalimiya loogu helo dalka Somaliland. Waxaa sidoo kale shirka ka soo qaybgalaya ganacsatada reer Somaliland ee  ku nool dalka gudihiisa iyo debediisaba.