Wafti Uu Hoggaaminayo Murrashaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga WADDANI Oo Saaka Safar Ugu Baxay Gobolada Bariga Somaliland

(SLT-Hargeysa)-Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha ahna murrashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa saaka subaxii hore ka jarmaaday magaalada Hargeysa iyaga oo u jihaystay dhinacaa iyo gobolada bariga Somaliland.

Waftigan Murrashax Cirro ayaa ujeedada socdaalkoodu ay ku qotontaa magaalada Burco, iyaga oo lugtooda ugu horreysa ka bilaabi doona magaalada Berbera.

Waxaana ujeedada socdaalkoodu ay daaran tahay ka qayb galka munaasibad ballaadhan oo ka dhacaysa magaalada Burco oo lagu soo dhawaynayo taagerayaal iyo siyaasiyiin kusoo biiray xisbiga WADDANI.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office