WADDANI Oo Ceeriigaabo Ka Furtay Xafiiska Xarunta Dhexe Gobolka Sanaag.+Sawiro

(SLT-Ceerigaabo)Munaasibaddii furitaanka Xaruntan oo ay kazoo qayb galeen guddoomiyaha xisbigan Waddani ee Gobolka Sanaag, ku-xigeenka Xoghayaha guud Xisbiga Waddani ee heer qaran, madax-dhaqameedyo, Haween, Aqoonyahan,  Dhallinyaro iyo marti-saraf kaleba ayaa waxa ugu horrayn halkaas ka hadlay Guddoomiayaha Xisbiga Waddani ee G/Sanaag Maxamed Jaamac Xasan (Daadey) Isagoo yidhi  “Maanta waxaynu isugu nimid waa daah-furkii xarunta dhexe Xisbiga WADDANI ee Goboblka Sanaag Waxaynuna si dhakhso ah soo dhisi doonnaa xubnihii maammulka heer degmo ee xisbigeenna oo aynu u qaban doonno xaflad sidan ka ballaadhan”.

unnamed (1)unnamed (2)unnamed (4)

Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi “Maanta idinku waxad tihiin kuwii bulshada iyo taageerayaasheenna gaadhsiin lahaa in xafiiskii xarunta aynu furannay xafiiskuna waa inoo furan yahay lana bilaabayo qoraalka golihii dhexe iyo maammulka wixii dhiman”.

 “Waxadna ogaataan Eebbe guusha wuxu siiyaa bulshada wanaagsan ee nabadda jecel dulmiga iyo eexda iyo musuqmaasuqana neceb guddoomiyeheennuna waa shakhsi eej cel wax kastaba in lagu helo nabadgelyo iyo wada jir”.

 


 Ugu danbayntiina Guddoomiayaha Xisbiga Waddani ee G/Sanaag  wuxu intaas kusii daay“Waxan ugu baaqayaa hawlwadeennada iyo taageerayaasha xisbiga in ay dardar geliyaan hawlaha xisbiga sidoo kalena isku duubnaadaan isuna tanaasulaan oo isu dulqaataan innakoo wax kastaba tashi ka yeelan doonna”.

Kuxigeenka Xighayaha guud ee Waddani Jamaal Jaamac Xaammud oo isaguna in muddo ahba kormeer shaqo ku joogey gobolka Sanaag ayaa isagoo halkaas ka hadlay wuxu yidhi “Anigu halkan waan idinkula Iidey waxanna idinkaga imid Hargeysa iyo Xaruntii kolleybana warku idinma seeggana oo wax kastaba warbaahinta waad kala socotaan waxadse ogtihiin in muddo badan axsaabta iyo xukuumaddu isku haysteen diiwaangelinta medeniga ah iyo codbixinta balse muddo kaddib oo meelo badan la isla maray wixii aynu wada galnayna xukuumaddu ka baxday taas waa laga heshiiyey laakiin xukuumaddii ayaa dagaal iskaga jirta waad ogyihiin xubinteennii qaaliga ahayd ee aynu madaxweynaha u gudbinney ee Dr-Fadal waa lasoo celiyey ninkaasoo ah shakhsi aqoonyahan Somaliland ku leh abaal badan”.

Isagoo intaas kusii daray  “Runtiina waxan u arkaa Dr-Fadal wuxu ka mid noqon lahaa toddobada qof ee komishanka balse wax uu keldiis ka go’aan gaadhi karayey aanay jirin sidaas awgeedna sabab xukuumaddu ugu mintiddaaba aanay meesha oollin beddelkiisiina waxa la geeyey C/raxmaan Sagal waa nin ballaadhan oo oday ah insha’ allaahu guul baan u rajaynaynaa xafiiska aad maanta furateenna aad baan ugu ducaynayaa
kii guusha lagu gaadhi lahaa in Ilaahay ka dhigo”.

Seynab Jaamac-yare oo iyaduna ka mid ahayd xubnihii munaasibaddan ka
hadlay ayaa waxa hadalladeedii ka mid ahaa “Dr-Fadal waxan u bixiyey Fadal laga baqay waxan leeyahay Fadal laga baqay guul baan kuu rajaynayaa Cabdi loo dhiibeyna guul baan u rajaynayaa”.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay xubno isugu jirey Madax-dhaqameedyo Dhallinyaro Aqoonyahanno iyo Haween kuwaasoo dhammaantood sheegay inay
ku faaxsan yihiin furitaanka xafiiskan sidoo kalena guddoomiyaha Waddani  C/raxmaan Cirro halkaas salaamo iyo hanbalyooyin ugu diray sidoo kalena sheegay in ay taageeradooda hiil iyo hoo la garab taagan
yihiin sixbigan WADDANI

Waxana xusid mudan in goobta xafiiskan xisbiga waddani laga furay tahay halbowlaha meelaha ugu dadka badan ee suuqa magaalada Ceerigaabo.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.