WADDANI Oo Cabasho U Gudbiyey Safiirrada Midawga Yurub ee Dalka Ku Sugan, Kana Hadlay Tacadiyaad iyo Dhaacwayo Loo Gaystay Xubno Ka Tirsan Xisbiga.

“Goob Jaamacadda Ah Rag Baa Komishankii Iska Soo Dhigay oo Iminka Xidhan, Masuuliyiin baa La Dhaawacay, Sidoo Kale Waxaanu Haynaa Badhasaabo Gudaha U Galay Goobihii Tirinta Codadka” Cabdiqaadir Jirde
Hargeysa (Somalilandtoday)-Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa soo saaray war hordhac ah oo uu cabasho kaga muujiyey dhacdooyin uu sheegay inay dhaceen intii lagu guda jiray doorashadii Isniintii ka dhacday guud ahaan dalka.
Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo shalay kulan la qaatay safiirrada midawga yurub ee dalka ku sugan ayaa cabasho ka dhan ah nidaamka iyo hanaankii xukuumaddu wax u maamushay, waxaanay sheegeen in masuuliyiin xisbiga ka tirsan la xidhay, qaarkoodna la dhaawacay.
Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga WADDANI Cabdiqaadir Jirde oo kulankaas kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay cabashooyinkaas ay u gudbiyeen safiirrada midawga yurub iyo diblomaasiyiinta caalamiga ah, waxaana uu sheegay inay jiraan muraaqibiin xisbiga ah oo la xidh-xidhay, qaarkood goobta codbixinta laga soo saaray, halka qaar kalena laga reebay sanaadiiqdii codbixinta.
Waxa uu sheegay in badhasaabyadii gobollada qaarkood ay gudaha u galeen badhasaabyadii goobihii tirinta codadka, Cabdiqaadir Jirde oo ka hadlaya kulankaas iyo dhacdooyinka ku gedaaman doorashada ayaa yidhi:
“waanu uga waranay xaaladda, talooyina waanu kala qaadanay waxaanu u sheegnay in masuuliyiinta xisbiga qaar xidh-xidhan yihiin, qaarna dhaawacyo soo gaadheen sida Faadumo Siciid oo kale, intii aanu halkan (Ambassador) fadhinay waxaa naloo soo sheegay in Xamse Khayre Gabiley lagu xidhay, Cabdirisaaq Kildhina dhaawac la soo gaadhsiiyey, waxaynu ognahay in meelo badan xeerkii lagu tuntay ama goobaha ha ahaato ama markii la soo qaadayay oo muraaqibiintii qaarkood laga reebay ha ahaato, markii gobolka ama degmada la keenay dadkii anaga noo wakiilka ahaa hadidaad loo gaystay ama lagaba soo saaray sida Gabiley oo kale meelo badana cabashooyinkaasi way naga soo gaadhayaan. Waxaanu u sheegnay (safiirrada) cabashooyinkaas iyagoo qoran inaanu la wadaagno halkii ay ku haboonaayeena aanu gaadhsiino, oo aanu sharciga anagu la tiigsano wixii xeerka jebiyey iyo sida wax u dhaceen sida ugu dhakhsaha badana aanu soo saarno warsaxaafadeed aanu kaga hadlayno waxyaabaha aanu kaga cabanayno, waayo meelo badan muraaqibiintayadii ayaa laga soo saaray, waxa jira meelo markii la tirinayay dadkayagii aanay joogin, waxa jira in goob jaamacadda ka mid ah ay dad aan daw u lahayn inay galaani ay 8 aroornimo illaa 8 habeenimo ku jireen oo mar dambe uun la ogaaday oo yidhi waxaanu ka soconaa komishanka laakiin aan ka socon oo iminka xidhan oo bilaysku hayo, markaa dadkaana cid baa soo dirtay cidaasna waan ka daba tegaynaa, waxaanu haynaa meelo badhasaabadii soo galayaan goobtii wax lagu tirinayay aanu xaq u lahayn inuu sago oo markaa cago-juglayn ku noqonaysa muraaqibiintayadii. Wixii is-daba marin ah waanu sheegaynaa sharciga ayuunbaanu raacaynaa wax sharciga baalmarsan samayn mayno, intaas uunbaanu iyagana u sheegnay, iyaguna waxy nagu waaniyeen in la isdejiyo oo qaynuunka uun lagu dhaqmo qolona aanay qaynuunka dhaafin”