Wada-hadalkii J.Somaliland Iyo Somalia Wuu Guul-daraystay Ee Maxaa Talo Ah?

Go’aankaa adag ee ku wajahan Somalia ee ay qaadatay J.Somaliland ma uu ahayn mid ay kali ku ahayd Xukuumadu oo ay iyada uuni gaadhay ee waxa uu ahaa, arin loo dhan yahay oo ay dadka shacabka ah ee reer Somaliland-na ku taageersanaayeen oo ay waliba af iyo adin-na ku muujin jireen. Dhawaan (2012) hadaba, mawqifkii J.Somaliland u guntanaa wuu dabcay oo waxa furfuray is-bedello siyaasadeed oo baaxad wayn oo Geeska Afrika ku yimid oo ay ka mid ahaayeen;  ”J.Somaliland oo uu kursigeeda soo fuulay Xisbi (Kulmiye) siyaasad cusub wataa iyo waliba dhinaca kale ee Soomaaliya oo uu Caalamku u sameeyay maamul rasmi ah (dawlada Xasan sheekh) oo ay wadamada qaarkood (USA) aqoonsadeen!.

 s & x

Taas iyada oo ka duulaysa, gudanaysana waajibaadkii loo igmaday oo uu ugu horeeyo raadinta Ictiraafka qaranka J.Somaliland, xukuumada m/wayne Axmed Siiraanyo waxa ay gar-waaqsatay in la taagan yahay xiligii miiska lala fadhiisan lahaa Soomaaliya ee mawqifka gooni isku taaga J.Somaliland-na loo cadayn lahaa. Si faahfaahsan-na waliba loogu sii iftiimin lahaa in danta labada dad ee walaalaha ahi ay ku jirto ”laba dal oo Jaar ah oo is-aqoonsada”. Cawo-daro, Shirar dhawr ah oo arintaa ku saabsan oo ay Aduunyada u qabatay labada garab (J.Somaliland iyo Somalia) waxa ay noqdeen qaar aan wax midho ah dhalin oo gabi ahaanba guul-daraystay oo haatan-na burbur qarka u saaran. Halka ay wax ka socon la’yihiin-na waa la iska wada ogyahay!

Hadaba, haatan iyo dan, waxa ay ila tahay inay mudan tahay in la is-waydiiyo, waar tii Somalia-italia ahayd wax nasteexa ah oo ay inoo haysaa ma jirto, lagamana yaabo inay aqoonsanayso J.Somaliland waqtigan xaadirka ah ee maxaa kale ee inala gudboon ee aan yeelnaa, oo Halkee ayaan bartan aan haatan taaganahay uga dhaqaaqnaa?!

{”Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed”}

Cali Cumar Xasan

afraad_4@hotmail.com

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Fekrada Iyo Qaabka Fahan Ee Qoraalkan Waxaa Iska Leh Qoraaga Ku Saxeexan, Kasbashadiisa Iyo Ka Booditaankiisuna Wuxuu Gaar U Yahay Isla Qoraaga. Marnaba Kama Masuul aha Shabakadda Somalilandtoday.com Balse waxay Shabakaddu Diyaar u Tahay Is Dhaafsiga Rayiga Gacal Wadaaga Ah……..