Waaxda Gaadiidka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Isu Bedeshay Goob Ganacsi

Wasaaradda hawlaha guud , guryaynta iyo gaadiidku waxay ka mid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan ee khuseeya adeegga dadwaynaha iyo dawladda qaybo kamid ah waana xafiisyada jiray ilaa waqtigii gumaystaha  kuwaas oo shaqaalaha ka shaqeeya yihiin kuwa wadanka dadka ka shaqeeya meelaha laga helayo dad leh xirfadihii shaqo ee loogu talo galay iyo dad soo shaqaynayay ilaa dawladihii kala danbeeyay ee ina soo maray intii somaliland aynu ahayn iyo intii aynu somaliya ka tirsanaynba.

Hadaba waxa maanta aynu ka hadlayna waa waaxda gaadiidka oo ah waaxda ugu culus wasaaradda balse maanta noqotay mid gabalkeedu dhacay kuna dhaw in meel lagaga waramo la waayo hadaan masuuliyiinta ku shaqada lihi dibu eegis de

deg ah ku samayn waxaa waaxdan soo maray tan iyo 1991 kii rag mid waliba meel soo gaadhsiiyay ilaa maantana raadkii ay ka tageen ka muuqdo balse beryahan dambe waxaa muuqata inay isu badashay goobaha bacadlaha iyo sariibadaha oo kale marka qof wax ka iibsanayo dadka dawarsadaa ay kayuu u soo galaan ayaa inan dhawaan laga dhigay agaasime oo waliba aan ku jirin liiska shaqaalaha dawladda waligiina aan shaqo dawladeed soo qaban iyadaa oo ay buuxaan kuwii waligood joogay liiska dawladdana ku jiray wuxuu bilaabay in qof kasta oo saxeex doonaya hadday tahay buug baabuur , liisan iwm inuu yidhaahdo waxaan doonayaa 15, 000 oo shilin somaliland ah ( shan iyo toban kun oo shilin) waa lacag aan juwan lahayn wax lagu qabanayaa aanay jirin kii faylasha qabanayay ee uu yidhi ii ururi lacagtana markii uu yidhi waxaa adigaa doonayee guro ee uu diiday na uu shaqadii ka joojiyey
Hadaba mar hadii ay sidaas tahay xaaladda wadanku oo aanay jirin wax tixraac la yidhaahdaa waxay ila tahay inay haboon tahay in qof kasta oo meel masuul looga dhigaa uu soo urursado dadkiisa suuqa tuban sidan oo kalena uga dhigaan madaxda qaybaha kala duwan ee xafiisyada ay madaxda u yihiin xafiiskuna u noqdo mid wixii ka xumaada loogu raaco reer hebel laguna bilaabo waaxdan gaadiidka oo loo soo wada badalo inta ka dhiman ee qaybaha kale joogta .

By:Cali jaamac yaasiin