Waar Yaa Laysu Xulufeysanayaa?

Allah ha naxariistee madaxweyne Cigaal ayaa maalin ciid ah ka qudbadeeyey masjid Jaamaca Hargeysa sagaashameeyadii. Wuxuu ka waramay markii xoriyadda lixdankii laqaadaneyey guux ka bilaabmay dalka gaar ahaan Hargeysa. Wuxuu yidhi markii dadkii isubixi waayey ee reer kasta maqaaxidiisii soo dhaafiwaayey oo xamaasada qabyaaladu cirkaa mareyso, ayaa anagoo dhowr iyo toban nin ah isu nimi (wuxuu magacaabey ragaas qaar ka mid ah oo nool iyo qaar dhintay) markaas ayaanu isla garaney aan kala badbaadino dadkeena oo Somaliweyn aan ku dhex tuurno.

Somaliland maanta waxay mareysaa 60kii aan kala badbaadino. Doorasho xor iyo xaal ah iyo isxulafeyse beeleysan isma qabanayaan. Laba beelood Somaliland inay xuurto gashaadaana xal noqonmayso

wixii kasoo hadhayna xaabo noqdaan. Tartanka ganacsiga xorta ah (free market competition) waxaa ka mamnuuc ah inay laba shirkadood oo waaweynu isku biiraan (merge) iyadoo ujeedadoodu tahay inay helaan monopoly power. Dawladaha ku shaqeeya suuqa xorta ah, waa mamnuuc isku biirista noocan oo kale ah waxaaney leeyihiin shuruuc lagu xakameeyo iyo hay’addo u xilsaaran ilaalinta suuqa xorta ah. Sidoo kale siyaasadda labo beelood oo waayweyn oo isbahaystay si ay political monopoly power u helaan dumuqraadiyadu way ka soo horjeedaa dalkuna horumar kuma gaadho maadaama xaaraan lagu heley xukunka noocaas ah. Idinka ayay idiin taalaa akhriste waxaad ka yeelayso aayahaaga.

Elminov – Hargeysa, Somaliland.

elmimahmed@gmail.com