Waar Xildhibaankii Guurtida ahaa ee Indho-Indho yaa dhabarka Taabtay. By: Jaamac Aadan Mire

asc dhamaan bulshada somaliland ciid wanaagsan wali waa iska ciidii 

 waxan halkan in yar ka odhan lahaa oday c/qaadir indho,indho oo aan 

runtii u hanweynaa oo maanta waxyaalo ceeb ku ah hogaanka uu ka tirsan 

yahay iyo shuruucda somaliland ka hadlay taagerayna dhalinyaro beeleed 

 ururbeeleed samaystay oo daaha dabadiisa laga hagayo si cadna u sheegatay .

DIGITAL CAMERA

inay yihiin urur reereed ama AWAL iyagoo hore ugu baaqay shir beeleed ay ku 

qabsanayaan JIIDALI oo ah gobolka sanaag iyagoo hadana ka soo waaday oo 

sheegay inay samaynayaan shir dhalinyaro somaliland ah waan odhan lahaa 

markii ugu horeysay ee aad ururka samayseen abay arinkii idinka leexday 

hadii aad urur dhalinyaro ku magcaabi lahaydeen arimihiina rerkana hoos ka 

wadan lahaydeen taageero waad ka heli lahaydeen bulshada ama dhalinyarta sland 

laakiin hada MAYA waataas meel walba laydinka diiday cadaadlay iska kiin garatay 

 hadalkan indhona waa indhola,aan waana hadal dhabarka laga soo taabtay isagoo 

og distuurka inuu yiraahdo ururo waa laysu abaabuli karaa waa SAX laakiin ururku ma 

yahay mid dhalinyarada somaliland ka midaysan tahay mid dhalinyaro oo shirar usoo 

qabtay AWAL baa wax ka maqan yihiin awla woxoodaan raadinaynaa jamaal hala taagero 

dee dadku ma awalbaa idinku taageera farihiinana waad qabtaan wixii intaas ka badan ninkii 

wax ku doonaa isagaa khaladan waxan kaloo indho u sheegi lahaa RIYAALE goormaynu madaxweyne

xigeen ku diidnay madaxweyne xigeenku ma wax laysa siiyaa oo madaxweynuhu bixiyo hadii aad 

adigu diiday adaa reerka dayacay maxaad inuugu qaadi wayday adeer waxan odhan lahaa somaliland 

xilibay wax ku qaybsan jirtay qabiil waana intii ka horeysey 1997 wixii ka danbeeyey system dawladeed 

baa la galay iyo xisbiyo xisbigaana watay musharixiisa mid madaxweyne iyo ku xigeen kama aynu mid 

ahayn asxaabtii ku lolamaysay madaxweyne xigeen iyo mid madaxweyne toona hadana taasi ina dhaaftay 

walina waynu jooganaa hada iyo dan aynu han yeelanao oo raadsano xaqeena SIDA distoorku dhigayo 

ama aynu SIDA GABOOYAHA nidhaahno koonto hanala siiyo hadii dadkeenu midoobaan waxaynu nahay 

bulsho balaadhan codkoodana loo baahan yahay madaxweynena waa noqon karnaa keen ragii hankaa

lahaa ee HARTI cali khalif hada waa iska gabow waana fiican tahay inuu dadkiisa wax la qaybsado walina

waa kas leh somaliland dhulka hanooga baxdo iyo wadahadal baan rabaa waxan odhan lahaa cali khaliifna

waad la hadli kartaa waadna keeni kartaa isagoo ody somalilander ah oo aan wadan xil khaatumo ama 

niman wax saluugsan ah oo aan madaxweyne sheeganayn somaliland waa iman karaa waana lala hadli 

karaa laakiin inta uu cidlada joogo ee uu madaxweynaha sheeganayo dee wixii uu samayn karo ha yeelo 

adba sheegtay in colaadna loo hayo nabadna loo hayo waa kugu racsanahay laakiin nimaan waligiiba sool 

wax tarin oo xitaa laba buug iyo kusi u keenin inuu xabad noo keeno MAYA aad baan u cadhooday mar lays 

garab dhigay isaga iyo ninka samron ee camuud haysta ee dadkisa heerkaa gaadhsiiyey ee ilaa SOMALIA,itoobiya 

ilaa bariga afrika looga yimaado tacliintiisa iyo halka keenu taagan yahay ilaahay ha soo hadeeyo waxaanan 

odhan lahaa waar sida ninkaa JAAMACADAA NUGAAL QABSO OO DADKAAGA WAX BAR oo iska daa xabadan 

waxan kaloo aad ula yaabay nin isna ka soo faalooday GALAYDH IYO SIILAANYO waana u garaabay hadalkiisaa

 tariikh cadna waa sheegay ninka ragina waaka wax qira waxna qaata waxna keena waxan odhan lahaa somaliland 

indhooy maanta maaha meel qabiil wax lagu doono dad baa dhaha darafyada wax baa ka maqan mana qabo in 

wax ka maqan yihiin dalka xisbiyaa tartama dadkuna ku kala jiraa xisbigaa hela ayaa soo magcaaba wasiiradiisa

iyo cida madaxweynahaasi xilka u garto markaa ma qabiil baynu wax ku qaybsanaa mise xisbi madaxweynuhu 

wuxuu magcaabaa wasiiradiisa isagaana xaq uleh cida uu udhiibayo ee ka soo bixi KARTA xitaa hadii uu ka dhigo 

hal reer waa in lagu qancaa laakiin ku qanci mayno way fiican tahay inuu maxkamada sare u dhiibo darafyada

 lakiin maaha mid distoorka ku taal oo aynu xaq u leenahay wasaaradkasta oo madxweynuhu inoo igmado waa

qaban karnaa laakiin waa mid isaga u taal golaha parlamenka lamid 82 xubnood baa ah inay ka koobnaadaan 

oo qabiiloyinku soo xushaan ama soo gala tartan 82 xubnood bayna u taal ninka ay dooranayaan hadaan xisbi 

 ugu codka badan yeelan ma garanayo taas laakiin hadiiba ay sidaas tahay hadii aanay dadkaa beeshaa dhexe 

inoo tanaasulin harti ahaan ma darafyada oo is raaca ma ku heli karnaa HAA hadi ay tahay loo joogee yeynaan 

kala jajabin oo qoloba cidi kaxaysan ee aynu u kacno xuquuqdeena waxaaba laga yaabaa inaynu qoladeena 

darafyadu isku qabqabsano oo cidla ku dhacno oo beesha dhexe qaadato tan parlamenkuna la mid yeynaan 

runta ka tegin oodo dhacameed siday ukala sareeyaan baa loo qaadaa,minjo dhooqo marba mid baa la qaadaa

waxan halkan ku soo gabagabaynayaa oday iyo inamdiisa oo dood dhex martay siday u heshiiyeen una garqaateen 

 

oday xoolo badan ilaahy siiyey oo laga yara fiicnaa ayaa xoolii ku kaliyeystay isagoo inamdii ka waayey 

garab iyo caawimo inamada oo ahaa niman af tahano ah oo arimaha reerka loo wakiisho kama ahayn 

oday ha caawinina laakiin arin kale ayey kaga mashquuleen inta badana ismay arki jirin oo waxy ahaayeen 

xaslayaal jees ah geela yaa isugu jirey oo odaygu raaci jirey maalin casar ah ayey odaygii iyo inamadii 

is heleen markasaa odaygii canaantay oo yiri ma anigoo da,das ah ayaad geelii igu cidlayseen miyeydaan 

inkaar ka baqayn miyaanan aabihiin ahayn maxaad ii caawin ladihiin oo geela kaligay iigu eegaysaan 

 intaba waad tahay bay yiraahdeen lakiin mid baa jirta danta reerkaanu wadnay oo reeraa gartooda kala 

gurida iyo kala qabashada reerkaanu kaaga mashquulsanane wax kale ma jiraan 

  odaygii baa gabyey oo yiri 

sidii galowga iyo haada oo gelid ka yaabaaya 

ama aan goblamay foodhidaan giida ku hayaaye 

gacmahayga kama hooriyeen gorod habeedaade

walee wiilashii aan dhalow gacaladeen reeban 

 

 JAWAAB inamdii baa u jawaabay oo yiri 

aabow gartana waad taqaan guuna waad tahaye 

ama geedka aad maalintuu rag is gadh xiiraayo 

ama geela raac talo aduun gubuxsi weeyaane 

 

odaygii jiq bay ku noqotay oo waa garqaatay wuxuuna yiri waa yahee geela igu ogaada 

hada xildhibaan indho ,indho waxan lee yahay gartana waad taqaan guurtina waad tahaye SIDEE wax kaa noqdeen 

 ka daa oo caruurtan haynugu soo hogaamine BAL qabo waadigaa yiri waan qaban karaaye oo shrciga burburintiisa 

ha ku garab istaagin oo distoorka hayska odhan sidaasuu ogol yahay wax buu ogolyahay SINA waa ku ogolyahay yaan 

wax kaa leexleexan hana is odhan wax rux,ruxo hada waxasaa jira MARKA wax yimaadaane dadkaagana u shaqee 

     

   TUSE .TOOSIYE .TIMAAME 

    XUDUN ,SOOL.SLAND 

    JAMA ADAN MIRE 

WA BILAAHI TAWFIIQ 

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Fekrada Iyo Qaabka Fahan Ee Qoraalkan Waxaa Iska Leh Qoraaga Ku Saxeexan, Kasbashadiisa Iyo Ka Booditaankiisuna Wuxuu Gaar U Yahay Isla Qoraaga. Marnaba Kama Masuul aha Shabakadda Somalilandtoday.com Balse waxay Shabakaddu Diyaar u Tahay Is Dhaafsiga Rayiga Gacal Wadaaga Ah……..